4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 28, 2014
Puntland oo lagu eedeeyay inay qayb ka ahayd Weerarkii Tuulada Saaxdheer

Khamiis, Ogoosto 28, 2014 (HOL) — Mas’uul ka tirsan maamulka Khaatumo ayaa ku eedeeyay Puntland inay qayb ka ahayd weerarkii ay saaka ciidamada Somaliland kula wareegeen tuulada Saaxdheer ee gobolka Sool oo lagu waday inuu ka dhaco caleemo-saarka madaxweynaha mamaulkaas, Cali Khaliif Galeydh.

Daahir Maxamed Maxamuud oo ka mid ahaa qaban-qaabiyaashii xafladdii la doonayay in lagu caleemo-saaro Galeydh ayaa sheegey in madaxweynaha cusub ee maamulkaas la caleemo-saaray iyadoo ay xabbadu dhacayso.

“Weerarku wuxuu ahaa mid gardarro ah, waxaana weerarka iska kaashaday Puntland iyo Somaliland,” ayuu yiri Daahir oo wareysi siinayay VOA-da, isagoo xusay inay ku sugan qaybta xuduudda xigta ee tuulada Saaxdheer.

Sidoo kale, mas’uulkan ayaa sheegay in dhankooda hal gaari uu dagaalka kaga gubtay, iyaguna ay afar gaari ka gubeen ciidamadii Somaliland ee soo qaaday weerarka.

“Dagaalka waxaa ku dhintay dad masaakiin ah oo caruur iyo haween isugu jiray,” ayuu yiri Daahir oo sheegay in dhankooda uu khasaaruhu aad u yar yahay, balse dhinaca Somaliland ay khasaare badan gaarsiiyeen.

Mar la weydiiyey sida Puntland ay dagaalka uga qayb-qaadatay ayuu kaga jawaabay. “Wasiirro ka tirsan Puntland iyo kuwo Somaliland ah kula kulmay deegaanka Tukaraq, waana ognahay inay dagaalka ku jireen labada qoloba.”

Illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan eedeynta uu mas’uulkan ka tirsan maamulka Khaatumo u soo jeediyay, taa oo ah inay qayb ka ahaayeen weerarkii maanta lagu qabsaday Saaxdheer.

Taliyaha ciidamada milateriga Somaliland, Jen. Ismaaciil Maxamed Shaqalle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay weerarka u qaadeen ay ahayd iyadoo deegaannadaas la geeyay ciidammo laga keenay Muqdisho iyo Kismaayo.

“Muddo kooban ayuu dagaalku qaatay, waxaana la wareegnay Saaxdheer oo ahayd halkii la doonayay in Cali Khaliif lagu caleemo saaro. Sababtuna waa in lagu soo xad-gudbay Somaliland,” ayuu yiri Jen. Shaqalle.

Ma uusan sheegin taliyuhu khasaare dagaalka ka dhashay, isagoo intaas ku daray in Cali Khaliif ay ugu war-dambeysay isagoo ku sugan gudaha dalka Itoobiya, xubnihii u yimid ka qaybgalka munaasabaddiisana ay si hal-haleel ah uga carareen tuulada Saaxdheer oo 75-km u jirta xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Dagaalkii saaka ka dhacay tuulada Saaxdheer ayaa waxaa ku dhintay 20-qof oo isugu jiray ciidamadii dagaalamay iyo shacabka deegaanka, iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen soddomeeyo qof oo shacab u badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya