4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 28, 2014
Madaxweynaha Liberia oo xilkii ka qaaday Wasiiro ka cararay cudurka EBOLA


Khamiis, Ogoosto 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Liberia, Ellen Johnson Sir-leaf ayaa xilkii ka qaadday wasiirro iyo agaasimayaal la sheegay inay dalka bannaankiisa ku maqan yihiin.

Wasiirrada xilka laga qaaday oo ay ku jiraan wasiir ku-xigeenno ayaa ka dhego-adaygay amar kasoo baxay madaxtooyada dalkaas toddobaadkii hore kaasoo ahaa in wasiirrada maqan ay dalka kusoo laabtaan.

Mas’uuliyiintan xilalka laga qaaday ayaa la sheegay inay dalkooda ka amba-baxeen kaddib markii uu dillaacay cudurka Ebola oo shacab badan ku dilay dalkaas oo ka mid ah kuwa ku yaalla Galbeedka Afrika.

Sir-leaf ayaa sheegtay in loo baahan yahay dhammaan mas’uuliyiinta dalka ay ka qayb-qaataan dagaalka lagula jiro sidii loo xakameyn lahaa cudurkan halista ah oo dalkaas aafeeyay.

Lama sheegin magacyada wasiirrada iyo ku xigeennada xilalka laga qaaday, iyadoo haweeneyda madaxweynaha ka dalkas ay sheegtay in sababta looga qaaday xilalka ay ugu weyn tahay inay ka carareen dalkooda halkii ay caawin lahaayeen dadka uu cudurkan ku dhacay.

Xukuumadda Liberia ayaa xayiraado saartay xaafadaha cudurkan laga helay ee ku yaalla Marovia iyo gobollada kale ee dalkaas, iyadoo xirtay xuduudaha ay la wadaagaan dalalka kale ee galbeedka Afrika, si cudurka loo yareeyo.

Dhanka kale, warbixin ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay soo saartay maanta oo Khamiis ah ayaa lagu sheegay in dadka u geeriyooday cudurka Ebola ay tiradoodu marayso 1.552-qof, uuna hayo 3,069 qof oo ku nool dalalka Liberia, Sierra Leone, Guinea iyo Nigeria.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in cudurkan uu saameyn kuu yeesho dad badan oo ku nool Galbeedka Afrika, kuwasoo lagu qiyaasay 20.000 oo qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya