4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 28, 2014
Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in dhaqso loogu gurmado Somalia

Khamiis, Ogoosto 28, 2014 (HOL) — Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo maal-qabeennada inay gargaar deg-deg ah la gaaraan deegaannada ay abaaruhu ku habsadeen ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed uu ururku soo saaray Khamiista maanta ah ayuu ku sheegay in xaalad aad u daran oo dhinaca bani’aadamnimada ah ay xilligan ka jirto Soomaaliya, iyagoo intaas ku daray in abaaraha ku dhuftay qaybo ka mid ah ay dalka ay saameyn xooggan ku yeesheen kumannaan dad ah oo u badan beeraley.

“Qiyaastii hal milyan oo qof oo Soomaali ah oo ay ku jiraan 75,000 oo caruur ah ayaa ku jira xaalad nafaqo-darro oo aad u daran,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska OIC ee Soomaaliya.

Sidoo kale, warka ururka iskaashiga Islamka ayaa lagu sheegay in xaaladda ay kasii dartay biyo la’aan ka jirta deegaannada ay abaaruhu ka jiraan, taas oo saameyn xooggan ku yeelatay beeraha iyo xoolaha nool oo ahaa kuwii ay ku tiirsanaayeen dadka deegaannadaas ku nool.

“Culeysyada kale ee haysta dadka ku nool deegaannada ay xilligan abaaruhu ka jiraan waxaa ka mid ah heerka qiimaha cunnada oo sare u kacay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska IOC ee Muqdisho.

Ururka OIC ayaa dhanka kale uga baaqay ururrada bulshada rayidka ah, maal-qabeennada iyo hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka inay gacan ka geystaan sidii loo caawin lahaa dadka dhibaateysan, inta xaaladdu aysan u gudbin heer xun oo aan waxba laga qaban karin.

OIC ayaa warbixinteeda ku sheegtay in baqdin xooggan laga qabo inay isku bedesho xaaladda abaaraha ee xilligan taagan dhibaatadii ku habsatay dalka Soomaaliya sannadkii 2011, taasoo sababtay macluuul ay dishay dad aad u fara badan.

Baaqa ururka iskaashiga Islaamka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladdu ay dhawaan sheegtay inay gargaar gaarsiinayso deegaannada ay abaaraha iyo biyo la’aantu ka jirto, inkastoo goobaha qaar ay go’doon ku hayso Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya