4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 28, 2014
Raashin uu ku deeqay Madaxweynaha Jabuuti oo la Gaarsiinayo Buula-burte

Khamiis, Ogoosto 28, 2014 (HOL) — Xaalada nolaleed ee shacabka ku dhaqan degmada Buula-burte oo si weyn bilihii ugu dambeeyay looga deyrinayay, kaddib go'doomin ay ku hayaan degmadaas xoogagga Al-shabaab ayaa la qorsheynayaa in dhawaan la gaarsiiyo gargaar raashin ah oo uu ku deeqay madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Xassan Max’ed Ibraahim [Xassan Kaafi]  oo HOL la hadllay ayaa sheegay in gargaarkan oo dhan 200 oo tan loogu talagalay in lagu caawiyo dadka dhibaateysan ee ku dhaqan gudaha degmada Buula-burte, isaga oo intaa ku darray in la sii mari doono dhulka.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku deeqay gargaarkan, waxaa loogu talagalay dadka ku dhaqan degmada Buula-burte iyo deegaannada ku dhaw-dhaw oo runtaa la oran karo waxaa la soo daristay xaalad nolaleed oo aad u liidata, waxaana qorshuhu yahay in gadiidka ka qaada raashinka magaalada Beledweyne si toos ah u geeyaan degmada Buula-burte ayuu yiri,’’ afhayeenka maamulka gobolka.

Dhinaca kale, waxaa uu intaa ku darray in kulan ay wadda qaateen maanta mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada looga wadda hadllay howlgalo la fillayo in ay ka bilaawdaan qeybo ka mid ah gobolka, gaar ahaan deegaannada wali ku harsan gacanta Al-shabaab, isaga oo si gaar ah u soo qaatay degmada Jalalaqsi oo dhawaan ciidamada ku wajahan yihiin sidda uu hadalka u dhigay.

“Gargaarka dhulka lagu gaarsiinayo degmada Buula-burte waa qeyb ka mid ah howlgalka la qorsheynayo in laga sameeyo deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab ayuu intaa raaciyay afhayeenka.

Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ayaa sheegaya in heer quus ah ay taagay yihiin dadka ku dhaqan degmada, kaddib markii  ay Al-shabab iska hortaageen degmada wax kasta oo nolasha aadanaha ku xirran gaar ahaan raashinka daruuriga ah.

Qof ku sugan degmada Buula-burte oo aan xiriir la sameynay ayaa sheegay in marka laga soo tago raashinka Al-shabab siddoo kale is hortaag ku sameeyeen calafkii ay cuni lahaayeen xoolaha sidda Balka iyo Cowskii loo iibgeyn jiray  taasoo uga sii dartay xaalada bani’aadanimo ee waqtigan ka taagan degmada Buula-burte.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa madaxweynaha Jabuuti iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM uga mahadceliyay sida ay uga qeyb-qaadanayaan u gargaarida shacabka dhibaateysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaalya