4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 28, 2014
Golaha Wasiirrada oo Maanta Ansixiyay Hindise-sharciyeedka Waxbarashada


Khamiis, Ogoosto 28, 2014 (HOL) — Shir ay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ku yeesheen maanta Muqdisho ayay ku meel-mariyeen hindise-sharciyeedka waxbarashada Qaranka, waxaana sidoo kale warbixin looga dhagaystay guddiga gurmadka abaaraha.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay ku simaha ra’iisul wasaaraha Somalia, Ridwaan Xirsi Maxamed ahna wasiirka Arrimaha Diinta iyo Owqaafta ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii looga hadlay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli, isagoo xusay in goluhu ay ka doodeen qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay sharciga warbaahinta iyo waxbarashada, waxaana  falanqeyn dheer kaddib si buuxda loo meel-mariyay sharciga waxbarashada Qaranka.

Wasiirka beeraha, Cabdi Axmed Baafo oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay booqashooyin loogu kuur-galayo xaaladaha deegaannada  ay sida daran u saameeyeen abaaruhu inay booqdeen, isla markaana ay kusoo arkeen xaalado bani’aadamnimo oo u baahan gurmad deg-deg ah.

“Waxaa noo suurogalay safarkii ugu horreeyay oo gobollada Bakool iyo Gedo ugu ambabixinnay saddex boqol oo tan oo loogu talo-galay degmooyinka go’doonka ku jira, labada maalmood ee soo socotana waa gaari doonaan, waxaana raashinkaas galbiyay ciidamada xoogga dalka, guddigu wuxuu sidoo kale booqday gobollada Bakool iyo Gedo gaar ahaan  degmooyinka Xudur iyo Doolow,” ayuu yiri Baafo.

Sidoo kale, guddiga ayaa u mahadceliyay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle oo gurmad ugu deeqay dadka ku dhibaataysan degmada Buulo-burde oo ka mid ah goobaha ay ka jiraan abaaruhu.

Ugu dambeyn, shirka ayaa looga dooday hindisa-sharciyeedka saxaafadda kaasoo ah mid waa cusub u billaabaya saxaafadda Soomaaliya, siinayana xorriyad aan wali soo marin, isla markaana qeexaya xuquuqda iyo mas’uuliyaadka ka saaran dalka iyo bulshada ay warka u gudbinayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya