4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 28, 2014
Jen. Shaqalle oo ka Warbixiyay dagaalkii ay saaka ku qabsadeen Saaxdheer

Khamiis, Ogoosto 28, 2014 (HOL) — Taliyaha milateriga Somaliland, Jen. Ismaaciil Maxamed Shaqalle ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal saaka waaberigii ka dhacay deegaanka Saax dheer ee xarunta u ahayd maamulka khaatumo.

Taliyaha Ciidanka ayaa sheegay in waxka yar toban daqiiqo ah kala wareegeen  dadkii isku urursaday deegaanka Saax dheer , isla markaana ay isla galleen sodan kilimitir gudaha Itoobiya.

Sidaasna waxa uu ku sheegay shirjaraa’id oo uu ku qabtay magaalaada Hargeysa, waxaana Taliyaha ciidanka ku wehelinayey Abaandulaha ciidanka Militariga Axmed Cawaale iyo saraakiil kale.

“Illaahay fadligii shantii iyo badhkii subaxnimo cutub ka tirsan ciidanka Qaranka ayaa hawlgal ka bilaabay agagaarka Saaxdheer, wax ka yar toban daqiiqo ayaanu kaga sifeynay dadkii meesha joogay iyo ciidankii ay isku halaynayeenba, isaga iyo intii la socotay waxay noqdeen Siigo oo wax kabihii dirqi ku halleelay iyo wax baabuur ku baxsaday ayey noqdeen, meel ay  jaan iyo cidhib dhigeenna lama hayo, waxaana isla galnay sodon kilitir Xuduudda Itoobiya”ayuu yidhi Taliyaha guud ee Ciidanka Militariga Somaliland Shaqalle oo ka hadlayey dagaalkii ka dhacay Saax dheer.

Taliyaha ayaaa sheegay in si rasmiya ay ula wareegeen tuulada Saaxdheer, isla markaana aanay ogolaan doonin in lagu qabto shirar ka hor imanaya siyaasadda Somaliland.

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in Maxabiis, hub badanba iyo gaadiid tiknikaba ka qabsadeen Khaatumo, haseyeeshee illaa hadda ma kala cadda khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi keenay, balse wararka qaar waxay sheegayaan in labadda dhinacba ay jiraan khasaare ka soo gaadhay dagaalkaasi.

Sidoo kale, dhinaca Khaatumo illaa hadda lagama hayo wax war ah, waxayna wararku tilmaamayaan inay dhinaca Itoobiya u talaabaan maadaama oo deegaanka Saax dheer ay tahay tuullo xuduud ku taalla.

Si kastaba ha ahaatee, maanta ayaa loo ballansanaa in la caleemo saaro madaxweynaha khaatumo Dr:Cali Khaliif Galaydh oo dhowaan loo doortay madaxweynaha maamulka khaatumo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland