4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 28, 2014
COL. BARRE HIIRAALE: Kismaayo waan tegi Shirkana waan ka Qayb-galayaa

Khamiis, Ogoosto 28, 2014 (HOL) — Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ay shalay kula kulmay deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo wafdi ka socday dowladda Somalia iyo urur goboleedka IGAD ayaa sheegay inuu tagayo Kismaayo, uuna ka qaybgalayo shir dib u heshiisiin ah kaga qaybgalayo.

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in mas’uuliyiintii uu kula kulmay Goobweyn ay isku afgarteen inuu tago Kismaayo uuna ka qaybgalo shirka dib u heshiisiinta dadka daga gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, kaasoo ay soo qabanqaabiyeen dowadda Soomaaliya iyo ururka IGAD.

 “Anigu Goobweyn waxaan ku sugnaa sannad iyo bilo, Kismaayana dagaal ayaan uga soo baxay, waxaana diyaar u ahay in khilaaf walba oo jira lagu xalliyo wadahadal iyo nabad, intii aan xoog ku xallin lahayn,” ayuu yiri Col. Hiiraale oo wareysi siinayay BBC-da.

Sidoo kale, Barre ayaa sheegay inuu shirka Kismaayo ka qaybgalayo isagoo aan wax shuruud ah ku xirayn, isagoo xusay inuu ku rajo-weyn yahay inay kasoo baxaan shirkaas qodobbo bulshada isku soo dhaweyn kara.

“Dhammeynta khilaafkii jiray waxaa u dhiman oo keliya in gogosha la wada fariisto aanan kawada hadalno wixii dhacay, waxaana rajeynayaa inuu ku dhammaado khliaafkaas goob fagaare ah oo ay dowladda iyo beesha caalamku fadhiyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Hiiraale.

Ugu dambeyn, Col. Hiiraale ayaa sheegay in isaga iyo ciidamadiisa ay degi doonaan goob gaar ah oo loo cayimay, iyadoo hadlaladiisa ay u muuqdeen kuwo ka duwan kuwii hore uuna diyaar u yahay inuu nabadda qaato.

Col. Barre Aadan Shire ayaa wuxuu ka mid ahaa xubno madaxweynenimo sheegtay oo dagaal looga saaray Kismaayo, tan iyo wixii markaas ka dmbeeyayna wuxuu ku sugnaa deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya