4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 28, 2014
SOOL: Waxbarashada Gabdhaha iyo Carruurta Naafada oo Sare loo Qaadayo


Khamiis, Ogoosto 28, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlayay sare u qaadista waxbarashada gobolladda Sool iyo Cayn, gaar ahaan gabdhaha iyo caruurta naafada ah ayaa shalay lagu qabtay xarunta waxbarashada diiniga ah ee Al-furqaan ee magaalada Laascaanood.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda CARE International ayaa waxaa kasoo qayb-galay, bulshada noocyadeeda kala duwan, sida, waalidiinta, maamulayaasha dugsiyada, macallimiinta, ururrada bulshada, culummaa-uddiinta, ganacsatada, guddoonka waxbarashada gobolka, hay’adaha calamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Kulanka ayaa intii uu socday ayaa lagu sheegay in hay’adda CARE ay wax weyn ka qabatay waxbarashada deegaannadaas, waxaana  la isku afgartay in la iska kaashado taageeridda iyo kordhinta waxbarashadda hablaha iyo carrurta naafada ah ee aan helin waxbarasho ku filan.

C/qani Cabdullaahi Fooxle oo ah mas’uul ka socday CARE ayaa furay kulanka isagoo sheegay uu yahay mid lagu taageerayo waxbarashada carruurta gaar ahaan hablaha iyo carruurta naafada ah, sidoo kale mas’uulkan wuxuu ku dheeraaday taageero joogtada ah ee ay hay’adda CARE la garab-taagan tahay bulshada gobolladan ku nool oo ka dayacan dhanka waxbarashada.

Sidoo kale, Fooxle ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay hay’adda CARE inay sii wadi doonto taageerada waxbarashada ee ay ka wadaan Laascaanood iyo Buuhoodle sida dhismayaasha, dayactirka dugsiyada, qalabeyntooda iyo sidoo kale tababarada macallimiinta.

Maamulaha xarunta waxbarashada diiniga ah ee Al-furqaan, Sheekh Yuusuf Hayabe oo ka hadlay guulaha ay ka gaareen iyo sidii habalaha loo bari lahaa aqoonta diiniga ah si ay guud ahaan bulshada u horumariyaan.

Maamulaha guud ee daladda waxbarashada Ileys, Porf. Cabdi Salaan Tungub ayaa isna kulanka ka sheegay in iskuulka Ileys uu doonayo in laga caawiyo qaabka wax loogu dhigo carruurta naafadaha ah, waxaana hay’adda CARE ka codsanaynaa inay naga caawiso sidii aan wax u bari lahayn carruurta naafada ah.

Sheekh Mubaarak Dool oo ah guddoomiyaha naafada gobolka Sool oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegeay in naafada ay dhibaato ku hayso waxbarsho la’aanta haysata, isagoo xusya inay takooraan macallimiintu ha kala hadlaan carruurta inaysan faquuqin carruurta naafada ah, isagoo intaa ku daray in dhibaatada kale ee haysata ay tahay goobaha waxbarashada oo qofka naafada ah aanu geli karin, waayo uma samaysna in gaariga naafada aad la gasho iskuullada.

“Waxaan si wayn ugu mahad-celinayaa hay’adda CARE oo runtii goobaha waxbarashada ah u samaysay qaabkii aan iskuullada u soo geli lahaa waana wax ku dayasho mudan,” ayuu yiri Sheekh Mubaarak.

Dhanka kale, Shukri Yuusuf Cabdi madaxa hay,adda NPA oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa sheegtay inay jecaal lahayd in cid walba oo aan aqoon ku filan lahayn in la caawiyo si uu wax u barto, si gaar ahna diiradda loo saaro gabdhaha iyo carruurta naafada ah.

Guddoonka waxbarashada gobolka Sool ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qaybqaataan caawiyo hablaha aan nasiibka u helin waxbarashada iyo sidoo kale carruurta naafada ah, iyadoo uu kulankan ay goobjoog ka ahaayeen qaybaha kala duwan ee bulshada.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool