4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 28, 2014
Ciidamada Somaliland oo la wareegay gacan ku haynta deegaanka Saaxdheer

Khamiis, Ogoosto 28, 2014 (HOL) — Ciidmada Somaliland ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta deegaanka Saaxdheer oo 75-km dhinaca Koonfur kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Weerar aad u culus oo saacadihii hore ee saaka ay ciidamada Somaliland ku qaadeen deegaankaas ayaa sababtay inay qabsadaan deegaanka oo maanta lagu waday inuu ka dhaco caleemo-saarka madaxweynaha Khaatumo, Cali Khaliif Galeydh oo toddobaad ka hor lagu doortay deegaankaas.

Dadwayne aad u fara badan oo ka mid ahaa wafdiyadii lagu casuumay kasoo qaybgala xaflada ayaa illaa iyo hadda la ogayn meelaha ay u carareen, iyadoo ay ku waabariisteen dhawaaqa rasaasata kala duwan ee ciidamada Somaliland ay adeegsanayeen, taasoo billaabatay 6:00 aroornimo ee saaka.

Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo iyo dadwayne aad u badan ayaa la sheegayaa inay u ambabaxeen dhinaca dalka Itoobiya oo xadkeedu uusan ka fogeen deegaanka Saaxdheer.

Lama sheegi karo khasaaraka ka dhacay deegaanka Saaxdeer oo ay muddo laba saacadood ah uu si toos ah uga socday dagaalka u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool