4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 27, 2014
Wafdigii ku Sugnaa Kismaayo oo Goob-weyn kula Kulmay Col. Barre Hiiraale

Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Wafdi ka koobnaa wasiirrda ka mid ah xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socday urur-goboleedka IGAD oo maalmahan ku sugnaa xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo oo ay wehlinayeen ciidamo ka tirsan AMISOM  ayaa maanta gaaray deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 15-km Waqooyi kaga beegan Kismaayo, halkaasoo saldhig u ah ciidammo uu hoggaamiyo Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale).

Masuulyiinta gaaray deegaanka Goobweyn waxaa kamid ahaa wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Mudane C/laahi Goodax Barre, Wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka dastuurka iyo arimaha garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir, xubno ka socday ururka IGAD, saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM iyo weliba siyaasiyiin kale.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen deegaanka Goobweyn waxay kulan la qaateen Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo hoggaaminayay ciidamada ku sugan deegaanka Goob-weyn ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay HOL u xaqiijiyeen qaar ka mid ah xubnihii ka qaybqaatay kulanka, qodobada ay labada dhinac ka wada hadleen waxaa ugu muhiimsanaa sidii Col. Barre Hiiraale iyo ciidamada uu hogaamiyo ay dib ugu laaban lahaayeen magaalada Kismaayo iyo weliba sidii uu u qabsoomi lahaa wejiga labaad ee shirkii dib u heshiisiinta beelaha dega Jubooyinka, kaaasoo la qorsheeynayo in uu qabsoomo 21-ka bisha fooda nagu soo heeyso ee Sebteembar.

Markii wadahadalku uu soo dhamaaday labada dhinac ayaa waxaa wafdiga hore u soo raacay Col. Cabdi Cigaal iyo laba sarkaal oo kale oo kamid ah saraakiisha uu hogaamiyo Col Barre Hiiraale, kuwaasoo horudhac u ah ciidamada la filayo in maalinta berito ah ay soo xaroodaan.

Heshiiskan ay garwadeenka ka yihiin dowladda Somalia iyo urur goboleedka IGAD ayay dad  badani aaminsanyihiin in uu horseedi karo in gobollada Jubooyinka ay ka hanaqaado nabad iyo weliba in maamulka Jubba uu lugihiisa ku istaago.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]  
Kismaayo, Soomaaliya