4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 27, 2014
Jaamacadda Soomaaliya oo ay Maanta ka Qalin-jabiyeen Arday ka badan 500


Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Jaamacadda Soomaaliya ee UNISO ayaa maanta ku qabatay Muqdisho munaasabad ay ku qalin-jabinayeen 574 arday oo isugu jiray kuwa qaadanayay shahaadada darajada koowaad ee heerka wax-barashada sare (Bachelor) iyo midda darajada labaad ee Master-ka.

In ka badan 530 ka mid ah ardaydan ayaa waxay ka gudbayeen heerka ugu horreeya ee waxbarashada jaamacadeed, kuwaasoo ahaa dhallinyaro isugu jirtay gabdho iyo wiilal.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb-galay ku-simaha madaxweynaha dalka ahna guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare, Ducaale, wasiirro, maamulka gobalka Banaadir, xildhibaanno, waaliddiin, mas’uuliyiin ka socday shirkadaha dalka ka jira qaarkood iyo marti-sharaf kale.

Qaar ka mid ah ardayda qalin-jabineysay oo munsaabadda ka hadlay ayaa waxay sheegeen inay maanta u tahay maalin taariikhi ah, maadaama ay gaareen yoolkii ay higsanayeen in badan oo waqtigooda waxbarasho ka mid ah.

Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka jeediyay munaasabadda qudbado, iyagoo ku dhiirri-geliyay ardada maanta qalin-jabinaysay inay sii wadaan dadaalkooda dhinaca waxbarashada ah.

Jawaari ayaa ugu dambeyn shahaadooyin guddoonsiiyay qaar ka mid ah ardaydii qalin-jabinaysay isagoo ay dhinacyadiisa taagnaayeen wasiirka beeraha, wasiira ku-xigeenno, xildhibaanno iyo mas’uuliyiinta Jaamacadda Soomaaliya.

Qalin-jabintan ayaa ahayd tii shanaad tan iyo markii dhidibbada loo taagay Jaamacadda Soomaaliya muddo 10 sano laga joogo, waxaana dhammaan mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadlay ay sheegeen in inta ay jirtay UNISO ay sameysay horumarro ku dayasho mudan.

Gaba-gabadii waxaa munaasabadda ka hadlay guddoomiyaha guddiga sare  ee Jaamacadda Soomaaliya oo u mahad-celiyay ardaydii dadaalkoodii wax-barasho ku guuleystay, waaliddiintii guushaasi dhinacooda ka suuro-galiyay iyo maamulkii iyo macalimiinta jaamacadda oo uu sheegay inaysan suuro-gal noqon lahayn in ardaydan boqolaalka ah ay maanta qalin-jabiyaan haddii aanay jiri lahayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya