4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 27, 2014
Culummo Taageeray Mucaaradka Jabuuti oo Maanta Xabsiga laga sii Daayay


Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Xukuumadda dalka Jabuuti ayaa maanta kasii daysay xabsiga dhexe saddex ka mid ah culumada dalkaas oo horay u taageeray isbahaysiga USN ee mucaaradka ah oo diiday natiijadii kasoo baxday doorashadii sannadkii lasoo dhaafay ka dhacday Jabuuti ee lagu soo dooranayay xildhibaannada baarlamaanka.

Culummadan oo magacyadoodu kala yihiin; Sheekh C/raxmaan Bashiir, Sheekh Giirre Maydal iyo Sheekh C/raxmaan Barkhad Good Maydal ayaa dhameystay xabsi sannad iyo bar ah oo lagu xukumay, iyagoo xirnaa tan iyo bishii Maarso ee sannadkii lasoo dhaafay.

Sheekh Giirre Maydal oo la hadlay VOA-da ayaa ku sheegay xabsigood inuu ahaa mid gar-darro ah ayna soo dhameysteen, isgaoo xusay in xarigooda uu la xiiriiro inay taageereen taageereen mucaaradka dalkaas ee USN.

“Waxay sii daysmadeennu la xiriirtaa inaan soo dhameysannay xabsigii gar-darrada ahaa, innaga oo dhanna waan caafimaad qabnaa, intii aan xabsiga ku jirnayna wax caafimaad-darro lama aanan kulmin, marka laga reebo inuu Sheekh C/raxmaan Barkhad oo xoogaa xabsiga ku xanuunsaday,” ayuu yiri Sheekh Giirre.

Mar la weydiiyay Sh. Giirre su’aal ahayd sidii loola dhaqmay intii ay xabsiga ku jireen ayuu kaga jawaabay. “Annagu dadka xabsiga ku jira ayaan la mid ahayn, dadkii naloo xil-saarayna wax dhibaato ah kalama kulmin, waxaase jirtay in mararka qaarkood uu kor ka imaanayay amar ah in cadaadis nala saaro, dadkeennase waxba kama sheeganayno."

Su’aal kale oo ahayd wuxuu u maleynayo in loo xiray ayuu kaga taasna kaga jawaabay. “Waxaan u maleynayaa in naloo xiray taageeradii aan taageernay axsaabta mucaaradka ah ee dalka Jabuuti doorashadii dhacday bishii labaad ee sannadkii hore. Sababta aan u taageernay USN-na waxay ahayd inaan u aragnay in haddii aanan codkeenna cidna siin in dalka uu kaabiga u saaran yahay dhibaato dhacda, taasna waxay keentay in shacabka Jabuuti ay si aad ah u taageeraan isbahaysiga USN.”

Isagoo sii hadlaya ayuu Sheekhu sheegay in xukuumaddu ay xarigooda ku talo-gashay intii ay doorashadu socotay, amar kor ka yimidna lagu xiray, balse iyagu ay u sheegeen inay shacabka kiciyeen oo bannaanbaxyo ay ugu baaqeen shacabka.

“Xariggeennu wuxuu ka mid yahay dhibaatada lagu hayo shacabka Jabuuti oo kolba ciddii la doono la iska xiro, waayo cadaalad ma jirto, ciddii la doono ayaa la iska xiraa, waana wax lagu hagayo taleefoon, waxaana nalagu xiray cadaalad-darro jirta,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Giirre Maydal.

Sidoo kale, mar Sheekha la weydiiyay su’aal kale oo ahayd in xukuumaddu ay ku eedeysay inay rabshado abuureen, ayaa sheegay inaysan jirin taasi oo isaga la xiray 9:00 subaxnimo intii aanu mudaaharaadku dhicin, isgaoo iska jooga gurigiisa.

“Cidda mudaaharaadyada ku baaqday waa la ogyahay oo hoggaamiyeyaashii mucaaradka, haddiise ay taasi run ahaan lahayd dhammaan intii dibadbaxa kasoo qaybgashay iyo madaxdii mucaaradka ayaa la xiri lahaa, balse waxay ahayd mid innaga si gaar ah naloogu eeganayay,” ayuu Sheekhu hadalkiisa u dhigay.

Waxaa la weydiiyay Sheekh Giirre in xukuumaddu waxyaabaha ay ku doodayso ay ka mid yihiin inaad ka baxdeen doorkii culummonimada oo aad isku bedesheen siyaasiyiin, isagoo taasna kaga jawaabay.

“Haddii ay taasi dhici lahayd, lama arkeen culummo la joogto xisbiga Jabuuti xukuma oo doorashadii u ololeynaya xisbiga. Welina fikradaha xisbiga Jimco walba masaajidda ayaa laga akhriyaa. Haddii iyagu sidaas u sheegeenna ma ahan sababtii naloo xiray ee waa culummadeennii ayay kuwani ka wax-tar roonaadeen, haddii aan iyaga raaci lahaynse nama xireen.”

Ugu dambeyn, waxaa la weydiiyay Sheekha maadaama muddadii xabsiga ay dhameysteen oo lasoo daayay wax u qorsheysan? Isagoo ku jawaabay. “Waxaa noo qorsheysan inaan ummaddeenna u qabanno wixii aan u qaban jirnay, innagu weligeen nalaguma aqoon wax dhibaato waddanka u keenaya, wanaagga ayaan ka shaqeynaa, kuwa na xirayna waxaan kula dhaqmi doonnaa si walaalnimo ah.”

Saddexdan Sheekh ee maanta xabsiga Jabuuti laga sii daayay ayaa waxay ka mid yihiin culummada sida weyn looga jecel yahay dalka Jabuuti, iyadoo aan la ogeyn go’aanka xigi doona oo ay dowladda Jabuuti ka qaadan doonto mashaa’ikhdan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya