4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 27, 2014
Askari ka tirsan ciidamada Dowladda oo laba qof ku dilay Degmada Mahadaay

Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa laba qof oo shacab ah ku toogtay bartamaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo askarigu uu goobta ka baxsaday dilka kaddib.

Goobjoogyaal ku sugan Mahadaay ayaa laga soo xigtay in labada qof ee lagu dilay degmada ay ka mid ahaayeen dhallinyarada deegaanka, uuna askariga dilka geystay iyo iyaga dhexmaray muran afka ah.

“Dilalka ciidamadu ka geysanayaan Mahadaay way soo kordhayaan, taasna waxay walaac xooggan gelisay shacabka degmada ku nool,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka degmada ku nool oo diiday in magaciisa la sheego.

Marxuumiinta ayaa la dilay gellinkii dambe ee Talaadadii shalay ahayd, iyadoo askariga dilkooda ka dambeeyayna uu ka tirsanaa ciidanka milateriga Somalia ee ka howlgala degmadaas.

Illaa hadda ma jirto tallaabo ay qaadeen ciidamada dowladda ee degmadaas ku sugan, iyadoo aan la ogeyn askariga dilka geystay halka uu u baxsaday, waxaase tani ay sii kordhinaysaa dilalka ay ciidamada dowladdu halkaas ka geysanayeen tan iyo markii ay kala wareegeen Al-shabaab.

Toogashadan labada qof ayaa sidoo kale imaanaysa xilli shalay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe tababar loogu soo xiray askar ka tirsan ciidamada xoogga, kuwaasoo la baray sidii ay u dhowri lahaayeen shacabka iyo xuquuqda aadanaha.

Maamullada degmada Mahadaay iyo kan gobolka ayaan weli ka hadlin falka uu askarigan ku toogtay labada ruux ee ka mid ahaa dhallinyarada degmada iyadoo saaka lagu aasay degmadaas maydadka labadan ruux.

Degmada Mahadaay oo 23-km waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab sannadihii lasoo dhaafay, inkastoo ay dhowr jeer Al-shabaab kusoo qaadday weerarro dhowr ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya