4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 27, 2014
UNHCR oo sheegtay in ay Caawinayso Qoxootiga Soomaaliyeed ee Laabanaya

Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay inay gacan ka siinayso qoxootiga Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda ku laabtaan sidii ay ku gaari lahaayeen deegaannada ay ku socdaan.

UNHCR ayaa ka hirgelisay degmada Mandheera oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya laba mashruuc oo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay ka baxaan xeryaha qoxootiga oo ay muddo fog ku noolaayeen kuna laabtaan dalkoodii hooyo.

Mashaariicdan ayaa waxaa ka howlgala laba gaari oo Land Cruiser ah oo ay ku wareejisay hay’addu maamulka degmada Mandheera, iyadoo ay ka mid yihiin mashruucan meelo la seexdo iyo bustaal la huwado, iyadoo madaxa mashaariicda Dhadhaab, Axmed Warsame.

Guddoomiyaha degmada Mandheera, Ole Nkoyo Alex oo goobjoog ka ahaa furitaanka mashruuca ayaa sheegtay in tani ay faa’iido weyn u tahay dadka qoxootiga ah iyo kuwa Mandheera ku nool.

Hay’adda ayaa sheegtay in tani ay qayb ka tahay qorshayaal ay doonayso inay ku caawiso dadka ku nool deegaannada ay ku yaallaan saddexda xero ee ay ku nool yihiin Soomaalida, labada gaarina loo isticmaali doono inay gacan ka geystaan xaaladaha caafimaadka iyo qorshayaasha horumarinta deegaanka.

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku nool in ka badan 500,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo qaarkood xeryahaas ku jiray muddo 24-sano ah, iyadoo dhawaan ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in qoxootiga ku jira Dhadhaab ay dib uGu laaban karaan dalkooda iyagoo aan la qasbin.

Mandheera ayaa waxay 700-km u jirtaa Dhadhaab, iyadoo ay tani noqonayso markii ugu horreysay oo mashaariic lagu caawinayo qoxootiga sadexdan xero muddada fog ku noolaa. Iyadoo guddoomiyaha Mandheera uu xusay in ay diyaar u yihiin inay caawiyaan qoxootiga dib ugu laabanaya dalkooda.

“Diyaar ayaan u nahay inaan caawinno qoxootiga Soomaaliyeed ee doonaya inay si iskood ah dib ugu laabtaan dalkoodii,” ayuu yiri Nkoyo Alex oo intaas ku daray inay kaga mahad-celinayaan UNHCR mashaariicda ay ka hirgelisay degmadiisa.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed booqday xeryaha Dhadhaab, halkaasoo uu kula kulmay qoxootiga Soomaaliyeed ee xilliga fog ku noolaa xeryahaas, kuwaasoo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay arkaan madax Soomaaliyeed oo soo booqday xeryaha ay xilliga fog ku noolaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya