4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 27, 2014
Sadex qof oo gaajo iyo Macluul ugu dhintay deegaano ka tirsan gobolka Gedo

Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Saddex qof ayaa gaajo iyo macluul ugu geeriyooday deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia, waxayna dadkan ku noolaayeen deegaanka Dabaaley oo ku dhow degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha deegaanka Dabaaley, Sabriye Rashiid Xaaji ayaa sheegay in saddexda qof ee dhintay ay kasoo jeedeen hal qoys oo keliya, isagoo xusay inay saddexdan qof dhinteen toddobaadkan.

“Qoyska ay kasoo jeedeen saddexdan qof waxaa ka dhammaaday xoolihii ay noloshoodu ku tiirsanayd abaaraha jira awgood. Waayo gobolkan wuxuu ka mid yahay gobollada ay abaaruhu sida ba’an ugu dhufteen sannadkan,” ayuu yiri Sabriye oo ku sugan deegaanka Dabaaley oo 15-km u jira Garbahaarey.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in saddexda ruux ee ku dhintay Dabaaley toddobaadkan ay kala ahaayeen laba qof oo waaweyn iyo cunug lix jir ahaa.

Tiro dad ah oo u badan carruur ayaa la sheegay inay abaaraha ka jira qaar ka mid ah gobollada dalka u geeriyoodeen gaajo iyo macluul daran oo soo wajahday, iyadoo toddobaadkii hore ay shan caruur ah gaajo ugu dhinteen degmada Buurdhuuboe ee isla gobolka Gedo oo ay go’doomin ku hayso Al-shabaab muddo bilooyin ah.

Deegaannada miyiga ah ayaa waxaa ku yaraaday biyaha la cabo, taas oo loo sababeynayo abaaraha ka jira deegaannadaas. Iyadoo gobollo ay ka mid yihiin Jubbooyinka ay ka tageen ugaartii ku noolayd abaaraha awgood uga tageen, iyagoo u jiheystay gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Idaacadda Qaramada Midoobay ee Ergo oo ka hadasha xaaladaha bani’aadamnimada ayaas warisay in barmiilkii biyaha ah uu ka joogo miyaga gobolka Gedo lacag u dhexeysa 50,000 illaa 140,000 oo shillinka Soomaaliga ah.

Ugu dambeyn, qoysaska beeraleyda ah ee ku nool gobollada Soomaaliya ee ay abaaruhu ku dhufteen ayaa qarka u saaran macluul, kaddib markii ay yaraadeen biyaha ayna goobihii biyaha lagu kaydsan jiray ay biyuhu kasii dhammaanayaan.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan sheegtay in khatar weyn oo nolosha ah ay kasoo fool-leedahay deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen ee Somalia, iyadoo dowladduna ay ku baaqday in la caawiyo dadka deegaannadaas ku nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya