4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 27, 2014
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland oo Maanta Xukunno ridday

Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridey eedaysaneyaal isugu jiray askar iyo rayid.

Eedeysanayaasha maanta maxkamadda la horkeenay oo ahaa shan qof, waxay afar kamid ahi ka tirsan yihiin ciidamada asluubta ee ka howlgala xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Qofka rayidka ah oo lagu magacaabo Maxamed Warsame Saxar o 58 jir ah, wuxuu labo bilood kahor diley taliyihii booliska ee degmada Rako ee gobolka Karkaar Dhamme Cabdullaahi Faarax Gaacshe.

Afarta askari ayaa iyaguna ku eedeysnaa dambiyo isugu jira shoobare ciidan, ka qayb qaadashada fal ay maxaabiisi ku fakatay, iyo weliba inay daroogo iyo telefoonada gacanta u gudbiyeen qaar kamid ah maxaabiista ku jira xabsiga Gaal-shire ee Boosaaso.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Puntland iyo dambiyada culus laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu, C/fataax Xaaji Aadan ayaaku dhawaaqay go'aanka ay maxkamaddu gaartay.

Wuxuuna sheegay in maxkamaddu ay dil ku xukuntay eedaysane Maxamed Warsame Saxar  oo July 18, 2014 diley Dhamme C/laahi Faarax Gaashe oo ahaa taliyihii booliska degmada Rako, kaddib markii ay dhegeysatay eedda xeer ilaalinta, markhaantiyda iyo weliba qiraalka eedaysanaha.

Afarta askari waxaa laba kamid ah oo lagu helay dambi ahaa inay amar diido sameeyeen islamarkaana ay isku dayeen inay huriyaan rabsho ciidan lagu xukumay xarig ay ku qaadan doonaan xabsi ciidan muddadiisuna ay shan sano tahay.

Labada askari ee kale oo iyaguna ku eedeysnaa inay maxaabiista u gudbiyeen waxyaabo mamnuuc ay tahay in loo geeyo sida daroogo iyo telefoonada gacanta iyo weliba inay fududeeyeen baxsiga maxaabiis xabsiga ka caratay, waxaa lagu xukumay xarig ay muddadiisu tahay mid todoba sano oo xabsi ciidan ah.

Waa markii labaad oo muddo labo todobaad gudahood ah ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Sanaag, Gardafuu iyo Haylaan ay xukunno kala duwan riddo. Todobaadkii hore waxay maxkamaddu dil ku xukuntay askari diley qof shacab ahaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya