4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 27, 2014
Madaxweyne Gaas oo Garoowe kusoo laabtay kana hadlay Safarkiisii Itoobiya


Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii u dambeeyey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku sugnaa ayaa maanta dib magaalada Garoowe ugu soo laabtay. Wafdigaas si diirran waxaa garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka, mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, iyo tobannaan dadweyne ah.

Madaxweyne Gaas oo waxyar kaddib markii uu Garoowe yimid si kooban warbaahinta ula hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey kulamadii uu lasoo qaatay madaxda dalka Itoobiya iyo weliba arrimihii ugu muhiimsanaa ee diiradda lagu saaray, wuxuuna sheegay in dhammaan kulamdii uu magaalada Addis Aababa madaxda Itoobiya kula soo yeeshay ay ahaayeen kuwo guul kusoo dhamaaday.

"Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta kusoo laabanno caasimaddeenii Garoowe annagoo muddo yar ku maqneyn wadanka Itoobiya oo ah dal aan saaxiib nahay wax badanna wadaagno.." ayuu yiri Madaxweynuhu.

Arrimaha ay ka wada hadleen mar uu sharraxayey wuxuu sheegay inay kow ka ahayd xoojinta xiriirka labada dhan iyo weliba sidii ay iskaashi fiican uga yeelan lahaayeen dhanka ammaanka iyo horumarinta arrimaha bulshada.

"Howshaan u tagnay meeshaasi waxay la xiriirtay sii xoojinta xiriirka labada dhinac, gaar ahaan dhanka nabadgelyada iyo arrimaha ijtimaaciga ah...runtii socdaalkayagu wuxuu ahaa mid aad guul u ah" Madaxweynaha Puntland ayaa mar kale sidaas yiri.

C/weli Gaas wuxuu sheegay in dhaqaale ahaan labada dhinac midba midka kale uu muhiimad gaar ah ugu fadhiyo, maadaama Puntland ay doonayso inay ka faa'iidaysato suuqyada Itoobiya, taas beddelkeedana Itoobiya ay badeecooyinkeeda ka dhoofsato dekedda magaalada Boosaaso.

Xiriirka Puntland iyo Itoobiya ayaa ah mid aad u wanaagsan, waxaana xusid mudan in qunsul ka socda dowladda Itoobiya uu xafiis ku leeyahay magaalada Garoowe.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya