4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 27, 2014
Maamulka Puntland iyo Hay'adaha samafalka oo ka shiray xaaladda Abaaraha


Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Kulan looga arrinsanayey wax ka qabashada abaaraha iyo biyo la'aanta ka jirta deegaanno ka tirsan Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku dhex maray Maamulka Puntland iyo xubno ka socdey hay'adda samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim C/laahi Cumar oo kulankaas ka qayb galay ayaa ka codsaday hay'adaha samafalka in ay arrintan si weyn isaga xil saaraan kaalin weynna ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saamaysay.

"Waxaan jecelnahay inaan ka codsano hay'adda caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahba inay wax ka qabtaan arrintan...haddii aan hadda waxba laga qaban waxay gaari doontaa heer aan hadhow waxba laga qaban karin" Mudane Camey ayaa sidaas yiri.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu dhanka kale sheegay in dowladdu aanay xilligan haynin dhaqaale ku filan si ay gurmadka u gaarsiiso dadka u baahan, haseyeeshee ay diyaar la tahay inay bixiso shidaalka ay isticmaali doonaan gaadiidka deegaanada abaartu saamaysay biyo dhaamiska loogu sameynayo.

Isagoo taas sharraxaya waxaa madaxweyne ku-xigeenka hadalladiisii kamid ahaa: "dhibtu aad bay u badan tahay, ka dowlad ahaan dhaqaale baaxad leh ma jiro laakiin mas'uuiyadda dalka iyo dadkaba naga saaran anagoo eegeyna wixii karaankeenna ah waan samaynay, waxan isku daynay in ilaa kow iyo toban degmo oo ay biyuhu ku yaraayeen aan u qaybino shidaal biyo dhaamis loogu sameeyo..."

Maalmo kahor [August 21, 2014], ayey ahayd  markii uu Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali shaaciyey in ay abaar iyo biyo la'aani ka jirto deegaanno ka tirsan Puntland, isagoo dadka reer Puntland, hay'adaha samafalka iyo beesha caalamkana u diray codsi ahaa inay qayb wayn ka qaataan sidii biyo iyo cunto loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saamaysay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya