4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 27, 2014
Kooxo hubaysan oo Sideed ruux oo Shacab ah ku dilay Magaalada Mandheera

Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Sideed qof oo kale ayaa la sheegay in la dilay isla markaana la gubay guryo iyo hanti ay ku lahaayeen halka lagu magacaabo Guba oo ka tirsan Mandhera ,iyada oo  loo sababayno xiisado ka dhex-taagan laba beelood oo wada daga halkaas.

Weerarkan khasaaraha badan gaystay oo dhacay maalinimadii shalay ahayd ayaa la aamin-sanyahay in loogu aargudayay weerar kale oo Axadii la soo dhaafay kooxo hubaysani ay ku qaadeen magaalo lagu magacaabo Rhamu oo ka tirsan Kenya.

Xiisadahan dagaal oo ah kuwa beeleed ayaa u dhaxeeyay  mudooyinkii la soo dhaafay qabiilada kala ah Dagoodi iyo Garre oo labaduba dega dalkaas Kenya ,waxaana khasaaraha dagaalkooda ka dhashay la sheegay in uu sii kordhayo.

Booliska ayaa sheegay in 200-ruux oo aad u hubaysnaa isla markaana ka soo kicitimay dalalka dariska ah ay weerar ku qaadeen xarun ganacsi oo ku taallay Guba ,isla markaan waxeeyeello daran u gaystay dadkii goobta ku sugnaa.

“Weerar-yahanadu waxa ay gubeen 20 guri ,shan dukaan iyo dugsi hoose oo oo ku yaalla magaalada ,waxaana kaloo ay xadeen 15-soolarka cad-ceedda ku shaqeeya ah “ayaa yiri afhayeen u hadlay booliska Mandhera.

Tiro dhan 10-ruux ayaa ilaa iyo hadda u geeriyooday dagaalladan qabaa’ilka ah, iyadoo 300-ruux oo kalena ay u barakaceen ,waxaana booliska Mandheera uu sheeegay in ay ku raad-joogaan dhinacyadii fuliyay weeraradii ugu danbeeyay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]