4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2014
Guddoomiyaha Shabeellada dhexe oo booqday furumaha ciidamada dowladda

Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, Cali Cismaan Xuseen (Cali Guud-laawe) iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa maanta booqday furumaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolkaas.

Cali Guud-laawe ayaa booqashadiisa ku sheegay inay tahay mid uu ugu kuur-galayo xaaladda deegaannada ay dowladdu gacanta ku hayso iyo sidoo kale sidii u arki lahaa goobaha ay ciidamadu ku sugan yihiin.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in maadaama ay socdaan qorayaal la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay gobollada dalka uga sugan tahay ay wadaan qorshe lagu xoojinayo ciidamada dowladda ee goobaha furumaha ah ku sugan.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyuhu uu booqday deegaanka Buurane iyo degmada Mahadaay oo ka mid ah deegaannada waqooyiga kaga beegan Jowhar oo ay gacanta ku hayso dowladda, halkaasoo uu kula kulmay askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo waxgaradka deegaannadaas.

Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ciidammada dowladda ee ka howlgala gobolka Shabeellada dhexe loosoo xiray tababar ku saabsan sidii ay u dhowri lahaayeen shacabka ku nool deegaannada ay Al-shabaab kala wareegaan.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe oo dhawaan la wareegay xilka maamulka gobolkaas ayaa booqashadiisa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay oo uu ku tago deegaanno ka tirsan gobolkaas, marka laga soo deegaannada Balcad iyo Jowhar u dhexeeya uu sii maray maalintii uu xilka la wareegayay.

Deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe oo dhinaca waqooyi kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ayaa waxaa ka talisa Xarakada Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya