4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 27, 2014
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay Turkiga


Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Turkiga, halkaasoo ay kaga qaybgalayaan calaamo-saarka madaxweynaha cusub ee Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Wafdiga madaxweyne Xasan ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo wasiirkii hore ee amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.

Ma jirto wax hadal ah oo uu madaxweynuhu siiyay warbaahinta ka hor intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaase wararka laga helayo madaxtooyada ay sheegayaan inuu madaxweynuhu ka mid yahay wufuud kala duwan oo caalamka ka socda oo ka qaybgalaya caleemo-saarka Erdogan.

Berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa inay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka dhacdo caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Turkiga oo ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga, kaasoo ku guuleysatay doorashadii loogu tartamayay madaxnimada dalkaas ee bishan ka dhacday Turkiga.

Erdogan ayaa helay codadkii ugu badnaa doorashooyinkii madaxnimo ee Turkiga, isagoo helay codad ka badan kuwii laga doonayay wareegii hore ee doorashada madaxnimo ee Turkiga.

Guusha Erdogan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Soomaalida oo dhan, iyadoo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay sheegeen inay ku rajo-weyn yihiin in Erdogan uu xoojin doono taageerada uu dalkiisu siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha cusub ee Turkiga ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay soo doortaan shacabka dalkaas, iyadoo horay ay madaxweynaha dalkaas u soo dooran jireen xubnaha baarlamaanka dalkaas.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo uu dalka Turkiga ku tago tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan, inkastoo uu dhowr jeer booqasho ku tagay dalka Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya