4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 27, 2014
Dowladda iyo AMISOM oo sheegay inuu billowday howlgalka wajigiisii labaad


Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Talisyada ciidamada xoogga dalka iyo kan AMISOM ayaa sheegay inuu billowday wajigii labaad ee howlgal ay kaga saarayaan gobollada dalka qaarkood Xarakada Al-shabaab, howlgalkaasoo ay ugu magic-dareen Indian Ocean.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa ku dhawaaqay inuu billowday howlgalka ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, isgaoo xusay in howgalkan uu qorshihiisu yahay inay dalka oo dhan kaga saaraan kooxda Al-shabaab.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Silas Ntigurirwa iyo Abaaduulaha ciidamada xoogga Jen. C/risaaq ayaa ku sheegeen in howlgalkan cusub lagu furayo waddooyinkii ay Al-shabaab horay u xireen, isla markaana ay kaga saarayaan magaalooyinka ay kaga harsan yihiin dalka.

“Howlgalka loogu magac-daray - Badweynta Hindiya - wuu billowday, waana mid ay si wadajir ah isaga kaashanayaan AMISOM iyo ciidamada xoogga dalka. Waxaa si weyn u rajeynaynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaro Al-shabaab meelaha ay ku sugan yihiin,” ayuu yiri Jen. C/risaaq Khaliif.

Taliye ku xigeenka ciidamada xoogga dalka ayaa intaas ku daray in qaban-qaabada iyo abaabulkiisa uu billowday 24-kii bishan, laga billaabay degmada Tiyeegloow oo ay ciidamada iskaashanaya kala wareegeen Al-shabaab, waana mid sii soconaya illaa lasoo afjaro Al-shabaab.

“Waxaan ka mid ah howlgalkan in waddooyinka xiran lagu furo, waxaana ka mid ah sidoo kale inaan dib loogu qaladaadkii horay loo galay oo ah inaan Al-shabaab laga fogeyn magaalooyinka, waxaana rabnaa in degmooyhinka la xoreynayo aysan Al-shabaab go’doon dambe gelin,” ayuu sheegay taliye ku xigeenka ciidamada xoogga oo ka jawaabayay su’aal ahayd qorshahooda ku aaddan waddooyinka magaalooyinka ay qabsadeen ee u xiran Al-shabaab.

Dhinaca kale, taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jen. Silas Ntigurirwa ayaa isna sheegay inay ka go’an tahay in howlgalkan ay Al-shabaab uga saaraan dalka oo dhan, ayna AMISOM diyaar u tahay soo celinta xasiloonida iyo nabadda guud ee Soomaaliya.

Howlgalkan ayay labada mas’uul sheegeen inuu yahay mid dhameystiran oo Al-shabaab ka dhan ah, iyadoo uu saameyn doono gobollo deegaanno aad u badan oo ay haatan gacanta ku hayso Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay u diyaar-garowday sidii ay uga hortegi lahayd duullaanada kaga imaanaya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyagoo shacabka ku nool deegaannada ay ka taliso ugu baaqay inay ka qaybgalaan dagaallada ay ku difaacayso deegaannadooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya