4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 27, 2014
Xildhibaan eedeeyay Wasiirrada Xukuumadda Somalia ee Baydhabo ku sugan

Arbaco, Ogoosto 27, 2014 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Bay iyo Bakool ayaa ku eedeeyay xildhibannada dowladda eek u sugan Baydhabo inay kawadaan dhihbaatooyin kala duwan.

Mudane Afaraale ayaa wax laga xumaado ku sheegay in dad dibadbaxyo ka dhigayay magaalada Baydhabo si ay aragtidooda u caddeeyaan rasaas nool lagu furay, wuxuuna eedda arrintan si gaar ah ugu eedeeyay xukuumadda.

“Shacab bannaanbax dhigaya si ay aragtidooda u caddeeyaan ayaa rasaas lagu furay, wasiirrada Baydhabo ku sugan ayaana mas’uul ka ah oo dhib ka wada degmadaas,” ayuu yiri Afaraale.

Baydhabo ayaa waxaa maalmahaan ka taagnaa xiisad u dhexeysa maamulka lixda gobol ee ay dowladdu horay u sheegtay in la baabi’inayo iyo maamulka la dhisayo ee saddexda gobol, kaasoo heshiiska dhismihiisa horay Muqdisho loogu saxiixay.

Eedeynta uu xildhibaankan u jeediyay wasiirrada xukuumadda ka tirsan ayaa imaanaysa iyadoo maalmo ka hor uu qof ku dhintay laba kalena ku dhaawacmeen rasaas ay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ku fureen dad dibadbax dhigayay oo taageersan maamulka lixda gobolka ee Baydhabo.

Magaalada ayaa waxaa hadda ku sugan guddi farasamo oo ay dowladdu u saartay inay maamul saddex gobol ka kooban u sameeyaan gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, kaasoo ay kasoo horjeedaan xubnaha lixda gobol horay u dhistay.

Xukuumadda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin eedeynta uu mudahana ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya u jeediyay wasiirrada ku sugan Baydhabo, iyadoo eedeyntan ay noqonayso tii ugu horreysay oo loo jeediyo wasiirradaas.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka lixda gobol, Madoobe Nuunow ayaa shir jaraa’id oo uu maalin ka hor ku qabtay Baydhabo wuxuu ugu baaqay xildhibaannada iyo wasiirrada kasoo jeeda Digil iyo Mirifle inay yimaadaan Baydhabo si ay wadatashi u yeeshaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya