4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 26, 2014
Dagaal Dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Maamulka Khaatumo

Talaado, Ogoosto 26, 2014 (HOL) — Iska-horimaad culus ayaa maanta ku dhex-maray ciidamada maamullada Somaliland iyo Khaatumo duleedka tuulada Daba-taag oo 50-km jihada Galbeed kaga aaddan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dagaalka oo sababay dhaawac iyo dhimasho ayay kasoo baxayaan warar is-khilaafsan, iyadoo dad ku sugan deegaankaas ay sheegayaan in laba askari ay ku dhinteen dagaalka ayna ku dhaawacmeen laba kale.

Somaliland weli kama aysan hadlin dagaalka maanta dhacay, balse warar ku dhow-dhow ayaa sheegaya in laba qof oo dhaawac ah iyo maxaabiis aan la sheegin ay ciidamadooda gacanta ku hayaan.

Mas’uul u hadlay maamulka Khaatumo oo lagu magacaabo, Maxamed Jibriil ayaa sheegay in duullaanka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland ay ku qab-qabsadeen dad reer guuraa ah kaddib markii ay dib isaga waabiyeen.

Labada ciidan ayaa gabal-dhicii tuulada hareeraheeda fadhiisimo kala duwan ka smeystay, waxaana laga cabsi qabaa in maalinta berri uu dagaal halkaas ka qarxo.

Dadkii ku nool tuulada Daba-taag ayaa la sheegayaa inay billaabeen inay ka barakacaan deegaankooda, iyagoo shacabku uu u kala dhaqaaqay deegaano kala duwan, iyadoo Axmed Girgirre oo dadka tuulada ka mid ah uu sheegay inaanay jirin meel toos ah oo dadku beegsanayeen, balse qaarkood ay iska dageen meel aan tuulada ka fogeyn si ay uga nabadgalaan dagaalka.

Iska-horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xili lagu wado in maanta Khamiista ah ee soo socota la caleemo saaro madaxweynaha cusub ee Khaatumo Cali Khaliif Galeydh, iyadoo caleema-saarku uu ka dhici doono tuulada Saaxdheer oo 25-km u jirta halka dagaalku ka dhacay maanta.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool