4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 26, 2014
Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeeray Mashaariic Laga Hir-gelinayo Berbera

Talaado, Ogoosto 26, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland,  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta kormeeray mashaariic ka socota Haamaha Shiidaalka Berbera iyo Xarunta Ciidanka ilaalada Xeebaha ka hor intii aanu dib ugu soo laaban Hargeysa.

Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa sheegay inay balaadhinayeen Haamaha Kaydka shiidaalka, isla markaana ay keeneen qalab badan oo kor loogu qaadayo balaadhinta Haamaha Shiidaalka.

“Waxaa Madaxweyne inoo socda 5 Haamood oo aanu ku bixinay Koontaraaad ah laba kun afar boqol iyo lix iyo sodon Kun oo Dollar. Waxa kale oo aanu wadnaa mid ah Wadadii ay haamahan loo mari lahaa oo ay lacag badani ku baxayso” ayuu yidhi Maareeye Saleebaan Siciid.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu soo kormeeray Xarunta Ciidanka Xeebaha ee Gobolka Saaxil, kuwaas oo loo soo iibiyey Doonyo dheereeya oo lagu ilaalin doonno xeebaha Somaliland.

“Doonyahan dhaqaaqooda ayaanu ku tusaynaa, waa doonyo dheereeya, waa kuwo meel kasta gaadhi kara iyo xuduudaha biyaheena oo dhan, horena umaynaan haysan waxayna ka mid yihiin wax qabadka dawladda ee cusub, maanta uu baynuna ciidan baddeed nahay” Ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Badda oo ka warbixiyey Doonyo cusub oo uu ciidanka Ilaaladda xeebaha usoo iibiyey.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku bogaadiyay mashaariicda ay wadaan Masuuliyiinta Haamaha shidaalka iyo ciidanka Ilaaladda Xeebaha, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Aad iyo aad baan idiinku hambalyeynayaa hawlaha aad wadaan, Allena ha idinku garab galo oo ha idinku guuleeyo. Markaa hawshaa halkaas ka sii wada, meel fiicana waad marinaysaane Alle ha idin la qabto”

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu kormeeray Dekadda Berbera oo lagu samaynayo balaadhin iyo mashaariic kala duwan oo ka socda iyo Wadooyin cusub oo laga sameeyey magaaladda Berbera dhexdeedda.

Madaxweynaha oo doraad safar kadis ah ku tagay magaaladda Berbera ayaa maanta dib ugu soo noqday magaaladda Hargeysa, inkastoo si rasmiya loo sheegin ujeedada safarka uu ku tagay magaaladda Berbera waxaana safarkiisa ku weheliyey xaaskiisa Aamino Weris.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland