4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2014
Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo booqday Beledweyne


Talaado, Ogoosto 26, 2014 (HOL) — Wasiirrka wasaarrada gadiidka iyo duulista hawada xukuumada Soomaaliya Saciid Jaamac Qoorsheel iyo wafdi la socda ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasiirrka iyo xubnaha wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM.

Markii uu ka soo degay diyaaradihii uu la socday waxaa uu kormeeray qeybaha uu garoonka ka kooban yahay,  bal si uu wax badan uga ogaado baahida ka jirta garoonka iyo nooca dib u dhiska uu u baahan yahay waqtigan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax ayaa sheegay in ay ku soo dhaweynayaan wasiirrka iyo xubnaha wafdiga la socda magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in booqashadooda noqon doonto mid wax weyn ka tarta dib u soo nooleynta dhamaanba adeegyadii garoonka diyaaradaha  Beledweyne.

“Mudane wasiir waxaa ku leenahay ku soo dhawoow Beledweyne, waxaan is leenahay safarka aad halkan [Beledweyne] kutimaadeen maanta waa mid qeyb ka ah howlaha wasaarrada aad wasiirka ka tahay, waxaana fillayaa in aad faah faahin ka bixin doonto socdaalka adiga iyo wafdigaaga,’ ’ayuu yiri guddoomiyaha gobolka.

Intaa kaddib wasiirka oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in uu si gaar ah ugu faraxsan yahay in uu soo booqdo magaalada Beledweyne oo sidda uu sheegay ah magaalo fac-weyn oo taariikh fog leh.

“Runtii sharaf ayeey ii tahay aan maanta joog magaalada Beledweyne oo aan og-nahay in ay tahay magaalo taariikh weyn leh, islamarkaana ay ka soo jeedaan dad magac iyo maamuus ku dhax leh bulshada Soomaliyeed,” ayuu yiri wasiir Qoorsheel.

Mar uu sharxaad ka bixinayay ujeedada socdaalkiisa ayuu sheegay in ay tahay bal uu wax badan ka ogaado marxalada uu waqtiga ku sugan yahay garoonka diyaaradaha Beledweyne, siddoo kalana kormeero xarumihii wasaarrada.

“Dabcan ujeedada socdaalka waa in aan qiimeyn guud ku sameyno garoonka diyaaradaha Beledweyne oo sidda qorshuhu yahay dib u dhis lagu sameyn doono, siddoo kalana waxaan rabnaa in aan maamulka gaarsiino in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan u soo dirsadaan shaqaalle loo tababari doono garoonka, sidda shaqaalle loo tababarayo soo dajinta diyaaradaha iyo kuwa loo tababari doono qeybta dab-damiska,’’ ayuu yiri wasiirka.

Waxaa uu intaa ku darray in loogu deeqay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne gaari dab-damis ah oo dhawaan sidda uu sheegay la soo gaarsiin doono.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii aysan kasoo ambabixin magaalada waxaa ay kormeereen xarunta ciidamada Lama-gallaay iyo xarun wasaarrada gadiidka iyo duulista hawada ay ku laheyd xaafadda Howl-wadaag.

Waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay xbno ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiid iyo duulista hawada, maareeye ku xigeenka duulista iyo, duuliye diyaaradeed..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya