4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 26, 2014
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhigiisa Turkiga


Talaado, Ogoosto 26, 2014 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sh. Xasan Xaamud oo socdaal ku jooga magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkey ayaa kulan la qaatay dhggiisa Turkiga.

Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray dalka Turkiga ayaa lagu sheega ujeeddadiisa mid la xiriira xoojinta iskaashi heshiiskii dhinaca ciidamad ahaa ee ay horay labada dal u kala saxiixdeen, gaar ahaan labada wasaaradood.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay arrimo badan oo muhiim ah kuwaasoo ay ka mid yihiin siidi wasaaradda gaashaandhigga Turkiga gacan uga geysan lahayd dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga, Cismad Yalmas ayaa ballan-qaaday inuu gacan ka geysan doono dadaallada ay wasaaradda gaashaandhigga Somalia ugu jirto dib u soo nooleynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berry ay u duulaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaasi kulan kula yeelan doonaan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Turkiga.

Turkiga ayaa horay u ballanqaaday inuu dowladda federaalka Soomaaliya ka taageerayso dib u dhiska ciidamada iyo qalabeyntooda, iyadoo Turkiga ay tahay waddanka keliya ee sida tooska ah u caawiya dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya