4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 26, 2014
Col. Tuuryare oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socotay Qaramada Midoobay


Talaado, Ogoosto 26, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Col. C/raxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay hohgaaminayso ku xigeenka wakiilka QM ee Somalia, Fatiha Serour iyo madaxa hay’adda amniga iyo sharciyada ee Qaramada Midoobay, Waldemar Vrey.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo maxkamadda sare ee ciidamada iyo in laga caawiyo maxkamadda dhanka xiriirada iyo sharciyada.

Sidoo kale, wafdiga iyo Col. Tuuryare ayaa lagu soo hadal-qaaday in wadajir looga hortago wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah xasilloonida guud iyo tan hay’adaha sharciga iyo amniga ee Somalia, si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay in kulanka uu xubnaha ka socday Qaramada Midoobay la qaatay uu ahaa mid guul kusoo dhamaaday, isagoo xusay in wixii ay kaga wada hadleen ay ku jirtay sidii loo horumarin lahaa xannaaneynta iyo dhaqan-celinta xubnaha Al-shabaab kasoo goosta.

Kulanka uu Col. Tuuryare la qaatay wafdiga ka socda Qaramada Midoobay waxaa ku wehliyay madaxa xafiiska xiriirka guud ee maxkamadda sare ee ciidamada, Maxamed Abshir.

Dhanka kale, kulankan ayaa imaanaya xilli maxkamadda ciidamada ay ku ridday xukun shalay aabbe dhalay wiil ka tirsan Al-shabaab oo maxkamaddu ay sheegtay inuu dilal ka geystay magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya