4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 26, 2014
Maxkamadda gobolka Hargeysa oo xayiraaddii ka qaaday Wargeyska HUBAAL

Talaado, Ogoosto 26, 2014 (HOL) — Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa  soo saaray amar uu ku fasaxayo  wargeyska Hubaal oo muddo sagaal bilood ah u xirnaa xukuumadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Faysal-dhago- dhago), ayaa soo saaray Amar uu xayiraaddii kaga qaadayo Wargeyska Hubaal oo muddo 283-habeen ah aanu soo bixin.

Guddoomiye Faysal ayaa isagoo tixraacaya Codsi horraantii Bishii march ee Sanadkan kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal oo nuxurkeedu ahaa in laga qaado xayiraadda wargeyska Saaran, isla-markaana raalligelin uu kaga Bixinayey Wixii gef ahaa ee ka dhacay, waxa uu Go’aansday in laga Bilaabo 25,08,2014-ka oo ku Beegnayd Shalay maxkamaddu ka qaadday xayiraaddii saarnayd Wargeyska.

Sidoo kale waxa uu Guddoomiye Faysal u daliishaday Xayiraad-ka-qaadistiisan kadib markii ay Booliska iyo Xeer ilaaintu Maxkamadda horkeeni waayeen wax kiis ama dembi ah Cad ah oo Wargeysku uu galay ama lagu sii hayn karo.

Wargeyska Hubaal ayaa xayiraad kasoo Baxday Maxkamadda Gobolka Hargeysa la saaray 13-kii BIshii December ee Sanadkii dhamaaday ee 2013-ka, waxana Muddadaas Sagaalka Bilood iyo dheeraad ah ee uu xayirnaa aan wali la arag wax dembi ah oo cidi kusoo oogtay, waxase laga bilaabo maalintii shalay wargeyska si buuxda Looga qaaday xayiraaddii muddada dheer saarnayd.

Xarunta Wargeyska Hubaal oo ku taalla Xaafadda Goljanno ee Magaalada Hargeysa, ayaa intaas xayiraaddu saarnayd waxa ay saldhig u ahayd Tiro ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland, waxan Masuuliyiinta wargeysku muddadaas Geed dheer iyo Mid gaabanba u fuushanaayeen sidii loo qaadi lahaa Xayiraadda, maadaama oo aanay jirin cid muddici ku ah wargeyska oo si toos ah dacwad ugu haysataa.

Go’aankan uu Haatan qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdilaahi Ismaaciil ayaa mid ay Soo dhaweynayaan Hoggaanka sare ee Wargeyska Hubaal.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland