4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 26, 2014
Dibadbax lagu taageeray Maamulka gobolka Banaadir oo Muqdisho ka dhacay


Talaado, Ogoosto 26, 2014 (HOL) — Dhallinyarada 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa ka dhigay Mudisho dibadbax lagu taageerayo horumarka ay maamulka gobolka Banaadir ku tallaabsadeen, loogana soo horjeedo ficillada Al-shabaab, waxaana ugu dambeyn dhallinyaradan ay isugu soo uruureen xarunta maamulka degmada C/casiis.

Isku-soo-baxan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay hay’adda CCD, waxaana ka qayb-galay xubno ka tirsan gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha dhamaan degmooyinka Muqdisho, ururrada haweenka iyo kuwa dhallinyarada.

Bannaabaxayaasha ayaa socod ku maray waddooyinka degmada C/casiis ee gobolka Banaadir, waxayna wateen boorar ay ku qornaayeen hal-ku-dhigyo kala gedisan oo ay ku muujinayeen dareenkooda.

Intii uu socday dibadbaxa ayaa waxaa heeso kusoo bandhigay fanaaniin kala duwan, iyadoo heesaha qaarkood ay ahaayeen kuwo waddani ah iyo kuwo wacyigelin lah oo lagu muujinayay sida ay bulshada lagama maarmaan ugu tahay nabadda iyo xasilloonida.

Guddoomiyaha hay'adda CCD, Ciise Axmed Cumar oo ugu horreyn ka hadlay fagaarihii ay dadweynaha dibad-baxayay isugu soo uruureen ayaa uga mahad-celiyay dareenkooda iyo shucuurtooda, isagoo xusay in dhallinyarada ay yihiin xooga bulshada.

"Maanta inaan dareenkiinna iyo shucuurtiinna halkan kusoo bandhigtaan waxay astaan u tahay in kuwa magaciinna bedelay ee idin adeegsaday fikradaha qaldan inaad iska dulqaadaan, dhallinyaradu waa xooga dalka, sida la socotaan 75% dalka waa dhallinyaro, marka waa inaad ka qayb-qaadataan dabar-goynta Al-shabaab," ayuu yiri Ciise.

Sidoo kale, guddoomiye Ciise ayaa sheegay in dhallinyarada la marin habaabiyay, isla markaana loo adeegsaday wajiyo kala duwan, wuxuuna ku taliyay inay u istaagaan sidii ay u soo celin lahaayeen sharafkii iyo karaamadii dalka u lahaa, kana hor-tagaan qiyaanada Al-shabaab sida uu yiri.

Guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Banaadir, C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa sheegay in isku soo baxan ay dhallinyarada ku cadeynayaan horumarka gobolka Banaadir iyo ka hortaga Al-shabaab, isagoo xusay in loo baahan yahay in dhallinyarada ay soo sheegaan kuwa nabada carqaladeynaya.

Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Abuukar Soomow ayaa sheegay in guul u soo hoyatay dalka ay tahay in maanta magacii dhalinyarada ee la bililaqeystay ay u soo jeestaan inay ka soo ceshadaan.

Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir oo ka hadashay dibadbaxa ayaa sheegtay in dhallinyarada maanta u soo banana-baxeen inay caddeeyaan dareenkooda, in magaalada ay amni tahay, waqtii Al-shabaab waa dhamaaday, haddaa baxsataan maxkamadii ciidanka ayaa idin joogta oo tiirka idin geyneysa.

Guddoomiyaha degmada C/casiis Cismaan Muxyadiin Cali ayaa sheegay in dhallinyarada degmooyinka gobolka Banaadir ee maanta isugu soo baxay degmada ay ka turjumayaan sida ay nabada inay ka shaqeeyaan diyaar ugu yihiin iyo horumarka uu ku talaabsaday Maamulka Gobolka Banaadir.

Maxamed Aadan Guuleed (Caana-Geel) oo ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Banaadir oo ugu dambeyn hadlay ayaa sheegay ugu dambeyn ka hadlay isu soo baxa ayaa sheegay in fikirka Al-shabaab lagula dagaalami karo aragti iyo afkaar, in la badiyo isu soo bax, kulamada bulshada isugu timaado.

Ugu dambeyn, hay'adda CCD inay badiso isu soo baxa caynkan oo kale ah, si loogu guuleystay in kuwa maskaxda laga xaday laga suuliyo, lana soo celiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya