4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2014
Wufuud kala duwan oo ku Qulqulaya Deegaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool

Talaado, Ogoosto 26, 2014 (HOL) — Deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool ayaa waxaa ku qulqulaya wufuud ka kala socda dalka iyo dibaddiisa, kuwaas oo ka qaybgeli doona xafladda caleemo saarka madaxwaynaha Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh oo lagu wado in 28-ka lagu caleemo-saaro deegaankaas.

Wufuuddan ayaa waxay isu jiraan Garaaddo, Cuqaal, Wax-garad iyo Culumo kasoo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana xusid mudan inay ka qayb-galayaan xafladda caleemo saarka wufuud heer caalami ah oo lagu casumay madasha.

Garaad C/salaan Xasan Maxamad oo ka mid ah golaha dhaqanka gobolladan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray deegaanka Saaxdheer iyadoo si wayn loogu soo dhaweeyay, waxaana soo dhawayntiisa ka qayb-qaatay Garaado, madaxwaynaha, ku-xigeenkiisa, guddoonka baarlamaanka iyo bulshada deegaankaas ku nool.

Garaadka ayaa hambalyo u diray bulsho weynta Khaatumo meel kasta oo ay kala joogaan isagoo ugu baaqay inay iska dhaafaan tafaraaruqa oo ay u guntadaan sidii ay u kaalmayn lahaayeen maamulkooda.

Deegaanka Saaxdheer ayaa si weyn looga dareemayaa abaabulka xafladda caleemo-saarka madaxwaynaha iyo qulqulka dadwayne baaxad leh oo ka qayb-geli doonaan.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool