4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 26, 2014
Madaxweynaha Puntland oo Dowladda ugu baaqay inay Hirgeliso Federaalka

Talaado, Ogoosto 26, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdi-wali Maxamed Cali Gaas oo booqasho ku jooga Addis Ababa ayaa waraysi uu siiyay TV-ga dowladda Itoobiya kaga hadlay arimo dhowr ah oo la xiriira nimaadka federaalka ah oo ay Somalia qaadatay sanado badan ka hor.

“Soomaaliya xilligan waxaa ay ka gudubtay  KMG -gaarnimadii waxaana loo gudbay hab faderaal,waana in muhiimad gaar ah la siiyo wixii lagu heshiiyay “ayuu yiri madaxweynaha oo ku baaqay in nidaamnkan lagu xalin karo khilaafka mudada dheer  soo jiitamayay ee ka jira qaybo kamid ah dalka sida uu xusay.

Waxaa madaxweynuhuu uu tilmaamay in Puntland ay kaalin muhiim ah ka soo qaadatay dhismaha dowladda hadda jirta ,mana uusan soo hadal-qaadin in laga heshiyay mugdigii ka dhex jiray dowladda Somaliya iyo maamulka uu hogaamiyo.

“Itoobiya waxaan ka wada hadalnay sidi loo ballaarin lahaa xiriirka aan la leennahay, waana u sharaxnay fursadaha maalg-gashi ee ka jira halkii aan ka nimid iyo in ay dhinacyo badan naga caawiyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray C/wali Gaas.

“Arimaha ammaanka, la dagaalanka argagaxisada iyo  hurumarinta xiriirka ganacsi ee labada dhinac ayaan isla soo qaadnay masuuliyiinta aan wada kullanay”ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Gaas oo maalmo ka hor soo gaaray Itoobiya.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa xusay in Puntland ay ku dadaalayso in is-bedel lagu sameeyo kaabayaasha asaasiga ah ,isaga oo carabaabay in dowladaha dariska ah ay  kala kaashan doonaan wax ka qabashada arimo ay kamid yihiin dhaqaalaha iyo amniga.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]