4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 26, 2014
Askari Rasaas Furay Xilli uu Geelle ku Sugnaa Garoonka Diyaaradaha Jabuuti

Talaado, Ogoosto 26, 2014 (HOL) — Garoonka diyaaradaha Jabuuti ayaa laga maqlay rasaas shalay gelinkii dambe taasoo uu furay mid ka mid ah ciidamada booliiska Jabuuti, xilli uu halkaas ka dagayay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wararka ayaa sheegaya in askariga rasaasta furay ay murmeen ruux kale ka hor intii uusan rasaasta fulin, iyadoo la taliyaha warfaafinta ee madaxweyne Geelle oo lagu magacaabo Najiib Daahir uu u sheegay VOA-da in Geelle uu ka baxayay garoonka 10-daqiiqo ka hor intii aanu rasaastu dhicin.

“Rasaasta waxaa furay askari booliis ah oo ay murmeen dhakhtar, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo midkood uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidmada gaarka ah ee ilaaliya madaxweynaha Jabuuti oo lagu magacaabo Idiris Cabdi Galab,” ayuu yiri Najiib.

Dhacdadan ayaa warbaahinta siyaabo kala duwan u tabisay, waxaana war saxaafadeed laga soo saaray xafiiska madaxweynaha Jabuuti lagu sheegay in sida wax u dhaceen iyo warararka la baahiyay aanay is lahayn, xaaladana ay caadi tahay.

Garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo ayaa waxaa saldhig ku leh ciidamo Mareykan ah, iyadoo falkanna uu noqonayo kii ugu horreeyay noociisa oo gudaha garoonkaas ka dhaca.

Lama sheegin in askarigii rasaasta furay la xiray iyo in kale, waxaase falkan uu walaal weyn geliyay shacabka Jabuuti, iyadoo dalka Jabuuti uu ka mid yahay dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya