4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 26, 2014
Maxkamadda Ciidamada oo Xukuntay Aabbe wiilkiisu ka Tirsanaa Al-shabaab

Talaado, Ogoosto 26, 2014 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa lix bilood oo xabsi ah ku ridday aabbe dhalay wiil la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, kaasoo la sheegay inuu dilal ka geystay Muqdisho, halka wiilkaasna ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.

Guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida, Col. C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare ayaa sheegay in qofka dilka geystay iyo kii qariyay ay isku dambi yihiin, sida uu qabo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

“Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed qodobkiisa 283 ayaa qeexaya in qofki qariya xog amniga khatar ku ah uu dambiile yahay ciqaabna mudanayo, ciqaabtana qayb ayay ku yeelanayaan. Inkastoo aan ku xukumin ciqaabtaas, haddana ciqaab kale ayaa ku xukunnay, waalidka waa la xukumayaa, haddii marka carruurtiisa oo da’ yar ah aad ogtahay inay Al-shabaab yihiin aad qariso oo aadan dowladda u soo sheegin waa qarin xog amni”ayuu yiri Tuur-yare.

Isagoo sidii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Qofkii dambi gala ee wax dila iyo kii qariya waa isku dambi… kitaabkeenna ayaa inoo sheegay, xeerkeenana wuu qeexayaa.”

Aabbaha xukunka xabsiga ah lagu riday oo noqonaya kii ugu horreeyay oo la sheego in wiilkiisa uu Al-shabaab ka tirsan ayaya ayaa lagu magacaabaa, Cusmaan Cali Maallin, waxaana la sheegay in wiilkiisa uu dilay mid ka mid ah ciidamada nabadgelyada waddooyinka Muqdisho, kaasoo maxkamadu dil toogasho ku xukuntay.

Maxkamadda ayaa ruux kale oo la sheegay inuu ka dambeeyay dilka wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo lagu dilay degmada Wadajir isagana ku xukuntay dil toogasho.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa uga digay shaqaalaha dowladda inay xogta la wadaagaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda ama ay u gudbiyaan sirta dowladda Soomaaliya.

“Cadowgu wuxuu mar walba isku dayayaa inuu dad ku yeesho shaqaalaha dowladda si uu xogo uga helo, Waxaan uga digaynaa shaqaalaha inay sii-yaan wax xog ah cadowga, waxaana u sheegayaa inay soo dhammaantay in xog lala wadaago Al-shabaab iyo wixii la mid ah, ayna dhammaantay xilligii la dhihi jiray dowladdu waa daciif ama laguma ogaanayo gacan bir ah ayaa ku qabanayaa ee la soco,” ayuu Tuur-yare ku hanjabay.

Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa dhawaan ugu baaqday waaliddiinta Soomaaliyeed inay soo sheegaan carruurtooda ka tirsan Al-Shabaab, haddii kale ay mudan doonaan ciqaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya