4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 26, 2014
Ra’iisul Wasaaraha oo ka Hadlay Shir looga Hadlayay Colaadda South Sudan

Talaado, Ogoosto 26, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa kaga qaybgalay Addis Ababa shir looga hadlayo colaadda dalka Koonfurta Suudaan, taasoo soo taagnayd illaa dhammaadkii sannadkii hore.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlay sidii lagu joojin lahaa colaadda dabada-dheeraatay ee ka taagan Koonfurta Suudaan, taasoo u dhexeysa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas Riek Manchar iyo madaxweynaha dalkaas, Salva Kiir.

Dhinacyada ay colaadda u dhexeyso ayaa loogu baaqay inay fuliyaan heshiisyadii ay horay u gaareen ee colaadda lagu joojinayay, ayna joojiyaan colaadda, lana sii daayo xubnaha u xir-xiran siyaasadda.

Mudane C/weli Sheekh ayaa intii uu shirku socday cambaareeyay colaadda sii socota ee Koonfurta Suudaan, isagoo ugu baaqay dhinacyada inay deg-deg ah ku fuliyaan heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee dhinacyadu ay horay u kala saxiixdeen, isagoo sidoo kalena ugu baaqay inay la shaqeeyaan guddiga kormeeraya xabbad-joojinta.

Sidoo kale, madaxda IGAD ayuu ugu baaqay inay xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan joojinta colaadda Koonnfurta Suudaan iyagoo la kaashanaya beesha caalamka. Wuxuuna caalamka ugu baaqay inay gacan ka geysataan ballan-qaadyadii IGAD ee dhinaca bani’aadamnimada iyo joojinta colaadda Koonfurta Suudaan.

“Haddii aan Soomaali nahay waan ka xunnahay xaaladda adag ee walaalaha Koonfurta Suudaan ay ku jiraan. Waxaana dhinacyada oo dhan ka dalbayaa inay colaadda ayna xabadda joojiyaan, si aanay u sii adkeyn xaaladda dhanka bani’aadamnimda ah ee taagan. Koonfurta Suudaan waxaa looga baahan yahay inay khilaafkooda ku xalliyaan hab siyaasadeed; innaguna waan taageeraynaa go’aannadii kasoo baxay kulanka, waxaana doonaynaa in gobolka uu noqdo mid nabadoon,” ayuu yiri C/weli Sheekh Axmed.

Ugu dambeyn, urur-goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay dhinacyada inay ka shaqeeyaan sidii xabbadda lagu joojin lahaa, iyagoo guddiga loo xil-saaray xal ka gaarsinta colaadda Koonfurta Suudaanna ku boorriyay inay dar-dar-geliyaan howlahooda, lalana shaqeeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya