4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
Dhismaha xaruntii hore ee Maamulka degmada Kismaayo oo xariga laga jaray


Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — Waxaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray xarunta degmada Kismaayo, taasoo howlgab ahayd mudo aad u fog, waxaana xafladdii furitaanka xarunta degmada kasoo qeybgalay madax sare oo ka tirsan maamulka Jubba.

Munaasibaddii furitaanka ayaa lagu qabtay gudaha xarunta degmada Kismaayo, waxaana kasoo qeybgalay wasiirro ka tirsan maamulka Jubba, ururrada haweenka, dhalinyarada, kooxaha fanka iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Munaasibadda ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay marti sharaftii lagu casuumay, kuwaasoo dhamaantood si isku mid ah u bogaadiyay furitaanka xarunta Kismaayo oo muhiim u ahayd adeegyada kala duwan ee bulshada reer Kismaayo.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max'ed Warsame Faarax Darwiish oo khudbad ka jeediyay xafladdii furitaanka ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay si rasmi ah u shaqeyn doonto xarunta degmada Kismaayo, isagoo sheegay in la dhameystiray dhismaha waaxihii kala duwanaa ee ay lahayd degmada islamarkaana loo sameeyay ciidamo gaar ah.

"Waxaan dhisnay ciidamadii minishiibiyada, waxaana dhameystirnay xafiisyadii kala duwanaa ee ay lahayd degmada, waxaan rabnaa in hadda wixii ka danbeeyo degmada ay u shaqeeyso bulshada," ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Max'ed Yuusuf (Timajilic) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in munaasibadda maanta ay tahay mid xariga looga jarayo xarunta degmada Kismaayo, wuxuuna uga mahadceliyay xubnihii wasiirada ee kasoo qeybgalay munaasibadda, isagoo sheegay in degmadu ay bilaabi doonto howlihii ay u qaban lahayd bulshada.

Dadkii goobta ka hadlay waxaa kamid ahaa wasiirka arimaha bulshada Macalim Max'ed Ibraahim, waxa uuna dhankiisa sheegay in degmadu ay muhiim u tahay adeegyada kala duwan ee bulshada, wuxuuna ka codsaday dadka reer Kismaayo in ay la shaqeeyaan maamulka.

Gabagabadii, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Max'ed Warsame Faarax Darwiish ayaa xariga ka jaray xarunta degmada Kismaayo, isagoo sheegay in laga bilaabo maanta ay furanyihii xafiisyadii ay lahayd degmada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]   
Kismaayo, Soomaaliya