4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
Wasiirka Waxbarashada Puntland oo Minnesota kula Hadlay Soomaali badan


Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — Wasiirka Waxbarshada Puntland, Cali Xaaji Warsame ayaa kula hadlay boqolaal qof hotel Ramada magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kaddib xafladda lagu soo dhawenayay oo lagu qabtay hoteelkaas. Iyadoo ay barbar socotay taageerada dagmada Saaxo oo dhawaan uu magacaabay maamul-goboleedka Puntland.

Kulankan ayaa waaxa sidoo kale ka hadlay odayaal, marti-sharaf kala duwan oo qaar ka mid ah ahayeen murashaxiin Mareykan ah oo codad ka doonaya Soomaalida Minnesota ku nool, iyadoo xafladaha noocan oo kale ah ay soo buux-dhaafiyaan Soomaali u tartamaysa kuraas kala duwan.

Cali Xaaji ayaa ugu horreyn khudbadiisa ugu hambalyeeyay dagmada Saaxo, waxuuna dadka u sheegay  in Puntland ay hadda wax-qabanayso afar qodob oo kala ah; xisaabad furan. shaqaalaha oo dib habeyn lagu sameeyo, qaabka nabadgalayada iyo cadaaladda oo ah aasaaska nabada.

“Waxaanu doonaynaa in maamulka Puntland la baahiyo Saaxo illaa Tawfiiq, waxaana idiin kugu bishaaraynaa in sideed bilood kaddib aad kasoo degi doontaan magaalada Boosaaso,” ayuu yiri wasiirka oo hadalkan ula jeeday in la dhamaystiri doono dhismaha garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Isagoo ka hadlayay xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe ayuu xusay inaysan doonayn inay keligood noolaadaan, balse ay rabaan in lala noolaado, isagoo ku daray intaas in xilligii ay xilka la wareegayeen ay madaxwanaha Puntland C/weli Gaas u diray Xamar iyadoo xiriirku xumaa uuna kusoo hungoobay, wuxuuna xusay inuusan jirin hal heshiis oo ay dowladda dhexe la galeen oo hirgalay. “Kaalmooyinkii loogu talo-galay Soomaaliya Xamar kaliya ha la waydiiyo,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Waxa kaloo Cali Xaaji uu ka hadlay hishiiskii lagu saxiixay 30-kii bishii hore magaalada Muqdisho ee maamulka loogu sameeenayo gobollada dhaxe ee dalka qaarkood, isagoo yiri. “Wax walba oo wanaag ah waan xeerinnay balse walaalahayo waa nala fahmi wayeen. Annagu waxaan caddeynay kaalinteena oo qura. Nin ayaa maalin dhaweyd waxuu lahaa ama fad ama ha fadin waa lagu fad-siin; Puntland-na lama fadsiin karo wixii aysan doonayn.”
Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa sheegay in dhiso maamul goboleed ka yar labo gobol waa sharci-darro, haddii maamul loo samenayo walaalahayo kama xumin ee waxaan ilaalinaynaa wixii lagu hishiiyay.

Mar uu ka hadlay dhallinyada Puntland ayuu sheegay in bulshada ay 60% ka yihiin, haddii aysan helin waxbarashana ay noqonayaan xag-jir, ayna isku guri doonaan badda, isagoo ula jeeday tahriibka.

“Ardayda Soomaaliyeed marka ay helaan deeqaha waxbarasho ma bartaan waxyaabaha muhiimka ah,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in waxbarshada Puntland inuu ku kordhin doono macallimiin iyo iskuullo cusub.

Ugu dambeyn, wasiirka waxbarashada maamulka Puntland ayaa hadalkiisa kusoo koobay Soomaaliya waa la daneynayaa ee halaga shaqeeyo sidii jiilka soo koraya ay u dhaxli lahaayeen hoggaanka dalka.

Siyaad Saalax, Hiiraan Online
[email protected] 
Minneapolis, Minnesota