4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
AMISOM oo ka hadashay la wareegida degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool

Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — AMISOM ayaa ka hadashay qabsashadii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya qabsadeen degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool, iyagoo ku sheegay inay qayb ka tahay qorshayaasha ay Al-shabaab kaga saarayaan deegaannada ay ka taliso, laguna xoojinayo maamulka dowladda ee gobollada dalka.

Degmada Tiyeegloow oo 530-km u jirta magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayna marto waddada isku xigta Baladweyne iyo Baydhabo ayay sheegeen in Al-shabaab ay u isticmaali jirtay inay isaga gudbaan deegaanno ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

“Tani waa guul ka dhigan in dowladda Somalia ay haatan maamusho guud ahaan gobolka Bakool, kaddib markii laga saaray Al-shabaab degmooyinka waaweyn ee gobolkaas,” ayaa lagu yiri qoraal AMISOM kasoo baxay.

Sidoo kale, warsaxaafadeedkan ayay AMISOM ku sheegtay in Al-shabaabku aysan wax dagaal ah la gelin ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika, ayna isaga baxeen degmada, kaddib markii waxyaabaha qarxa ay geliyeen jidka weyn ee degmada mara iyo magaalada dhexdeeda.

“Ciidamadu waxay si taxadar leh ku galeen degmada, waxayna wadaan inay degmada oo dhan ka saaraan waxyaabaha qarxa, si ay u noqoto meel uu ka jiro amni,” ayay AMISOM ku tiri warsaxaafadeedkeeda.

Lydia Wonyoto Mutende oo ah ku simaha madaxa AMISOM ee Soomaaliya ayaa kaga mahadcelisay ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowladda Soomaaliya xoreynta ay xoreeyeen degmada Tiyeegloow, iyadoo ku tilmaantay guul weyn oo u soo hoyatay dhammaan Soomaalida jecel nabadda.  

“Anigoo ku hadlaya magaca Midowga Afrika iyo AMISOM, waxaan mahad-celin ku aaddan qabsashadii degmada Tiyeegloow u dirayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa walaalaha ah ee AMISOM. Howlgalkuna wuu socon doonaa inta Al-shabaab laga saarayo deegaannada ku sugan yihiin oo dhan,” ayay tiri Lydia Wonyoto.

Ugu dambeyn, waxay sheegtay inay ka rajeynaynayan shacabka Tiyeegloow inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si looga hortago Al-shabaab oo isku dayaysa inay kusoo dhex-dhuumato, iyagoo doonaya in ay nabadda carqaladeeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya