4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
Taliyaha Ciidamada Waddooyinka Puntland oo ka Warbixiyay Shilalkii dhacay

Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — Taliyaha ciidanka waddooyinka Puntland, Col. Axmed Cabdi Cali ayaa sheegay in shilalkii gaadiid ee ka dhacay lixdii bilood ee la soo dhaafay gobollada Puntland ay sababeen khasaarooyin aad u badan oo naf iyo maalba leh.

Col. Axmed Cabdi oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in shilalkii gaadiid ee ay diiwaan-geliyeen Jannaayo illaa Juun sannadkan ay ahaayeen 778 shil, kuwaasoo sababay dhimashada 92-qof.

“Shilalka aan diiwaangelinnay lixdii bilood ee sannadkan ugu horreeyay waa 778, waxaa ku dhintay 92-qof, waxay dhaawacyo culus kasoo gaareen 220-qof, sidoo kalena 458-qof ayay dhaawacyo fudud kasoo gaareen,” ayuu yiri taliyaha.

Taliyuhu wuxuu intaas ku daray inay shilalkaas ku burbureen 189 baabuur, ayna waxyeello iyo burbur kasoo gaartay 100-guri. Iyadoo ay ku bakhtiyeen 375-neef oo ari ah,  71 neef oo geel ah iyo 14 neef oo lo’ ah. Isagoo intaas ku daray in ku burbureen 22-mooto, 10 baaskiil iyo 16 baallayaasha jidadka ifiya ah.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd waxa sababa shilalka ayuu ku jawaabay inay yihiin saddex qodob, waxayaabaha ugu badan ee shilalka sababa, kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin; darwalka oo aan khibrad lahayn iyo iyagoo aanan mas’uuliyad iska saarin gaadiidka iyo rakaabka ay wadaan iyo qodobka kale oo ah waddooyinka oo burbursan, ciriiri ah isla markaana aan lahayn layrar loogu talogalay inay gaadiidka kala hagaan.

Su’aal ahayd sababta ay wax uga qaban la’yihiin shilalka Puntland ka dhaca sannad walba ayaa wuxuu sheegay inay sababtu tahay iyadoo 24-kii saac ee walba ay Puntland soo galaan 20 illaa 25 gaari oo cusub. kuwaasoo sababa in waddooyinku ay ciriiri noqdaan, sidoo kalena aysan dheelli-tirneyn wax ka qabashada waddooyinka iyo gaadidika soo galaya Puntland.

Taliyaha ciidamada waddooyinka Puntland oo la weydiiyay su’aal kale oo ah tallaabada ay ka qaadaan darawalkii qof jid iska maraya jiirsiiya gaariga ama guryo ku dul dhaca dadna ku dila ayaa ku jawaabay inay darawal walba oo shil dhibaato geystay uu gaarigiisu galo inay maxkamadaha horgeeyaan si looga abaal-mariyo dambigiisa, wuxuuna intaas raaciyay in darawal walba uu mas’uul ka yahay dhibaatadii uu gaarigiisu geysto.

Ugu dambeyn, taliyuhu wuxuu sheegay in shilalka ka dhaca Puntland ay sii kordhayaan sanadba midka uu ka dambeeyo, isagoo sabab uga dhigay inay kordhayaan gaadiidka ayna yaraanayaan koontaroolkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya