4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM oo si rasmi ah ula wareegay Tiyeegloow

Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa si rasmi ah ula wareegay degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool, iyadoo aysan jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in degmada Tiyeegloow ay isaga baxeen dhammaan shacabkii ku noolaa, iyadoo ay ciidamadu galeen maanta iyadoo aysan cidna ku sugnayn gudaha degmadaas.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayeen in ciidammo Itoobiyaan ah oo kasoo gudbay soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaasoo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, sidoo kalena ciidammo kale ayaa ku sugnaa daafaha degmadaas oo ku dhow xadka.

Guddoomiyaha degmada Xudur, Maxamed Macallin Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda iyo AMISOM si buuxda ay degmadaas ula wareegeen, kaddib markii Al-shabaab ay isaga baxday.

“Degmada Tiyeegloow waxay dowladdu horay u maamulaysay afar sanadood oo xiriir ah, haatanna waxay Tiyeegloow kusoo biirtay gacanta dowladda, waxaana hadda gacanta ku haynaa shan degmo oo gobolka Bakool ka tirsan,” ayuu yiri Maxamed Macallin.

Mar uu sharraxayay degmooyinka ay gacanta ku hayaan ee gobolka Bakool ayuu sheegay inay kala yihiin; Xudur, Waajid, Ceel-barde, Rab-dhuurre iyo Tiyeegloow oo ah tii ugu dambeysay ee ay la wareegaan.

Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa xilli ay dowladda Soomaaliya iyo taliska AMISOM ay sheegeen inay dhawaan billaabi doonaan howlgallo Al-shabaab looga saaarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada Soomaaliya.

Al-shabaab weli kama aysan hadlin degmada Tiyeegloow ee ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen, iyadoo ka mid noqonayso degmooyin Al-shabaab lagala wareegay sannadkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya