4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo qof rayid ah ku toogtay Xamar-weyne

Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta darawal rayid ah ku dilay toogtay isgoyska afar-irdood - degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir. 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga iyo ninka uu dilay oo dawal ahaa ay is af-dhaafeen taasna ay keentay in askariga uu ku furo darawalka rasaas sabbtay in darawalka uu isla goobta ku dhinto.

Wararka ayaaa sheegaya in ciidamada amniga dowladda Somalia ay qabteen askariga dilka geystay, iyadoo falka uu askarigan ku dilay darawalka uusan ahayn kii ugu horreeyay oo degmadaas ka dhaca.

“Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa toogtay qof rayid ah, markii hore xoogaa muran ah ayaa dhexmaray, kaddibna rasaas ayuu ku furay,” ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayashii ku sugnaa Afar-irdood markii uu dilku dhacayay.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay in ciidammo ka tirsan kuwa amniga ay qabteen askariga dilka geystay oo goobta taagan, iyadoo dilkan uu cabsi weyn gelisay ganacsatada iyo dadkii shacabka ahaa ee goobta ku sugnaa.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca Muqdisho, iyadoo hay’adaha amniga dowladda ay wadaan qorshayaal ay hubka kaga dhigayaan dadka shacabka ah.

Askar sidan oo kale dilal u geystay ayaa la horgeeyay maxkamadaha dalka, kuwaasoo lagu xukumay dilal toogasho ah, iyadoo qaarood lagu fuliyay dilkii lagu xukumay, halka kuwo kalena ay yihiin dil sugayaal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya