4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
Farmaajo oo Dowladda ku Dhaliilay Habka Dhismaha Maamullada Gobollada


Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — Ra’iisal wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay habka loo maray dhismaha maamul goboleedyada dalka.

Farmaajo oo wareysi siinayay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa xusay in maamul goboleedyada ay ku dhisan yihiin qaab qabiil, taasina ay u baahan tahay in guddiyo loo saaro kuwaasoo lagu soo xulayo aqoonta ay u leeyihiin xallinta arimahaas.

“Runtii dowladdan waxyaabo badan ayay kaga eg-tahay dowladihii KMG-ka ahaa ee dalka soo maray, kuwaasoo ay kow ka tahay khilaafaadyada, mar haddii uu khilaaf jirana wax la qaban karo ma jirto. Taasna waxay dadka ula muuqan kartaa inay tahay dowladdu mid iska fadhida, halkii ka shaqeyn lahayd,” ayuu yiri Farmaajo.

Isagoo sii hadlaya ayuu xusay in madaxda dowladda looga baahanaa inay howl-geliyaan ciidamada iyo ha’yadaha dowladda, si ay dalka iyo dadka uga saaraan dhibaatooyinkii ay muddada dheer kusoo jireen.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa xusay in xafiiska madaxda dowladda ay ka socoto fara-gelin toos ah oo lagu hayo maamullada dalka ka jira, isagoo ku baaqay in laga fiirsado dhisidda maamullada oo uu xusay inuu iska hor-keeni karo beelaha Soomaaliyeed.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd inuu shaki ka qabo in labadii sano ee socda ay dowladdu noqoto mid ka shaqeyn wayda khilaafaadyadii labadii sano ee hore soo jiray wuxuuna kaga jawaabay. “Waa dhab, madaxda dowladda waxaa looga baahan yahay in mid walba uu howlihiisa qabsado, haddii ay dhacdo in qofka loo sheego in la bedelayo, waxay noqonaysaa in howlihii looga baahnaa uusan qaban, haddii uu shaki soo dhexgalo madaxdana wax shaqo ah lama qaban karo.”

Su’aal ahayd in dalka ay doorashooyin ka dhici karto 2016-ka ayuu sheegay inaan loo diyaar-garoobin, balse looga baahan yahay dowladda Somalia inay labada sano ee soo socda dadaal sameyso, haddiise ay gaarsiin weydo dalka doorasho qof iyo cod ahna, macnaheedu waa inay ku fashilantay howlihii laga doonayay inay qabato.

Farmaajo oo la weydiiyay arrimaha federaalka iyo sida uu u arko ayaa kaga jawaabay. “Arrimaha federaalka waa wax ummadda Soomaaliyeed ku cusub, laakiin loo baahnaa inay dowladdu fahansiiso shcabka nooca federaalka ah ee loo baahan yahay; xaqiiqduna waxay tahay inaan loo baahnayn in qabiil lagu dhiso, waayo wax qabiil lagu soo dhisay waan garanaynaa dhibaatadii ka dhalatay.”

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ka hadlay hannaanka ay dowladdu hubka uga dhigayso shacabka isagoo sheegay in qorshaha hub ka dhigista loo baahnaa in dowladda ay ka dhigto qorshe guud oo hal mar laga hirgaliyo dalka oo dhan.

“Waa wax wanaagsan oo ku habboon inaan lagu billaabin hal meel, balse hal mar dalka oo dhan laga hirgeliyo ayna noqoto siyaasad guud, laguna ururiyo hubka khatarrta ah, balse waxaa wax walba ka horreeya is-fahan iyo qorshe dadku fahansan yihiin iyo inay timaado kalsooni si uu qof walba isaga keeno hubka uu haysto,” ayuu mar kale yiri Farmaajo.

Isagoo isla arrinta hub-ururinta ah ka hadlayay ayaa xusay in caalamka ay ka jiraan hab badan oo hubka lagu qaado, kuwaasoo ay ka mid yihiin in dadka laga iibiyo hubka, dowladduna ay raadiso dhaqaale hubka kaga iibiso hubka.

“Dowladda waxaa looga baahan yahay inay sugto amniga guud ee dadkeeda ayna difaacdo, dagaallada sokeeyena la joojiyo, dadkuna aanay hab qabiil ku dagaalamin. Marka haddii dowladdu ay shacabkeeda difaacayso ma jirto qof hub haysan kara. Qaabka ay hadda dowladdu hub ka qaadista kuwaddo waa mid keeni kartaa in qofku uu hubkiisa qarsado isagoo u arkaya in si gaar ah loo raadsanayo, midda labaadna waxay abuuri kartaa cadaawad ah in qofku u arko in dowladdu ay isaga oo keliya hubka ka qaadayso,” ayuu Farmaajo yiri.

Sidoo kale, Farmaajo wuxuu sheegay in cadaawad soo dhexgasha shacabka iyo dowladda ay ka faa’iideysan karto kooxda Al-shabaab ayna dowladda iyo shacabkeeda soo dhex-geli karto.

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay su’aal ahayd in shacabka Soomaaliyeed lagu dhaliilo inaysan la shaqeyn dowladdooda ayuu kaga jawabaay. “Shacab lama eedeyn karo… shacabku waa kuwo fiican, waxaase ka dhigi kara kuwo xukun madaxdooda iyagaana kuwo fiican ka dhigi kara. Madaxda dowladdu haddii ay howlahooda fuliyaan, shacabkana u diraan howlo kuwaas la mid ah lana yiraahdo innagu howshaas ayaan qabanaynaa idinka intaas ayaa la idin ka rabaa, taasi waxay abuuri kartaa kalsooni wada-shaqeyneed oo shacabka iyo dowladdooda dhexmarta.”

Farmaajo ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay inuu weli diyaar u yahay in uu weli ku jiro siyaasadda, uuna dalka kusoo laaban doono, si uu uga qayb-qaato wax u qabashada dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya