4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
Arday Maanta u Fariistay Imtixaanka Aqbalaadda ee Jaamacadda Hormuud


Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — Arday cusub ayaa maanta u fariistay imtixaanka aq-balaadda Jaamacadda Hormuud, kuwaasoo qayb ka noqon doona ardayda jaamacadda ee sannad waxbarashadeedka 2014-ka iyo 2015-ka.

Ardaydan oo dhameystay waxabarashada dugsiga sare ayaa isugu jiray wiilal iyo gabdho, iyadoo wajiyadooda ay ka muuqatay u diyaar-garowga ka qayb-galka imtixaanka aqbalaadda ama qubuulka, waxaana kormeerayaal ka ahaa imitixaanka macallimiinta iyo maamulka jaamacadda.

Pro. Jeylaani C/llaahi Cismaan oo ah guddoomiyaha jaamacadda Hormuud oo goob-joog ka ahaa imtixaanka ayaa ardayda u rajeeyay guul iyo inay anfacaan dadkooda iyo dalkooda ayna ka faa’iideystaan daraasadda Jaamacadda.

Wuxuu intaas ku daray guddoomiyuhu in jaamacadda Hormuud ay bixinayso tababarro gaagaaban oo lagu horumarinayo bulshada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah ardaydii ka qaybgalay imtixaanka qaabilaadda jamaacadda ayaa ka hadlay dareenkooda , iyagoo sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay helaan natiijo wanaagasan oo ay ugu soo gudbi karaan inay wax ka bartaan jaamacadda.

Dhowaan ayaa la filayaa in la qabto xafladda qalin-jebinta ardaydii ka qalin jebisay sanad dugsiyeedka 2013–ka iyo 2014-ka. Jaamacadda Hormuud oo haatan shan sano jirsatay ayaa ah midda keliya ee bixisa waxbarashada Injineeriyadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya