4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
Khaatumo oo ugu Baaqday Puntland iyo Somaliland in ay Isaga baxaan S.S.C

Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo state Cali Khaliif Galayr ayaa sheegay in  maamullada Puntland iyo Somaliland ay  sharci darro ku haystaan gobollo ka tirsan maamulkiisa sida uu ku sheegay waraysi muuqaal ah oo uu bixiyay.

“Marnaba uma dul-qaadan karno in labadaas maamul ay gacanta ku sii hayaan dhulka Khaatumo “ayuu yiri madaxweynaha oo la weydiiyay sida maamulkiisa uga shaqayn karo gobollo aan gacanta ugu jirin iyaga.

“Arrinta khaatumo maahan mid ka soo bilaabatay Saaxdheer ee waa mid muddo badan soo socotay oo ay wada dhiseen dad deegaanka ah, ragga arrintaan aan isla bilaabnay waxaa kamid ahaa  Maxamed Buraale Faarax, Jaamac Abshir Xasan, Maxamuud Siciid Cumar iyo Saleebaan Cabdi Madoobe ka dibna bulshada ayaan u bandhigay qorshihii khaatumo wayna soo dhaweyeen,“ ayuu mar kale yiri madaxweyne Galayr.

Waxaa kaloo uu sheegay in dhib badan laga soo maray dhismaha maamulka Khaatumo, isla markaana dagaallo badan laga soo galay sidii mar ay ugu taagi lahaayeen dhidibbada, isagoo eedaymo badan dusha uga tuuray maamulada dariska ah ee Puntland iyo Somailland.

“Adduun-weynaha waxa uu lacag ku bixinaya in Somalia shirto oo ay tashtaan annaga taas ayaa naloo diidan-yahay, waadna ka war-haysaa in ciidamada Somaliland ay joogaan meel 30Km noo jirta, ujeedka aan leennahay waxa uu yahay in gobollada SSC aan xoraynno adduun-waynuhuna waa uu nagu taageeryaa,“ ayuu mar kale carrabaabay madaxweynaha Khaatumo.

Cali Khaliif Galayr ayaa xusay in hadii wada hadallo iyo nabad ay ku helayaan gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn ay soo dhaweynayaan, isla markaana ay jiraan dhex-dhexaadinno laga dhex sameeyay iyaga iyo maamulka Somalilanad dhowr jeer oo hore.

Ugu danbayntii Cali Khaliif Galayr oo la weydiiyay waxa ku kalifay inuu ku qanco maamul aan saldhig haysan isaga oo heer qaran oo Somaliya ah ka soo shaqeeyay ayaa sheegay in uu doortay wax u qabashada bulshadiisa.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]