4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
Dibadbax looga soo horjeedo Dowladda oo ka dhacay Baydhabo (SAWIRRO)


Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — Dibadbax looga horjeeday imaatinka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo lagu wado inay maanta tagaan Baydhabo, balse dibadbaxan ay u baaqdeen sida wararku sheegayaan.

Dibadbaxan ayaa waxaa ka qayb-galay dadweyne fara badan, kuwaasoo ay horkacayeen mas’uuliyiinta Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban, iygaoo socod ku maray waddooyinka Baydhabo, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo looga soo horjeedo dowladda.

Markii ugu dambeysay waxaa is-hortaag ku sameeyay ciidanka booliiska ee Baydhabo iyagoo dadweynahii si nabad u bannaan-baxayay ay rasaas ku fureen, waxaana ku dhintay mid ka mid ah taageerayaasha maamulka lixda gobol, kaasoo lagu magacaabi jiray, Humoow Nishoow iyadoo laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Rasaas xooggan ayaa la maqlayay, iyadoo dibadbaxayaashu ay goob fagaare ah ku gubeen sawirka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyagoo sidoo kalena ku gubay isla goobta sawirka Nicholas Kay.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka jirta xaalad kacsanaan ah, iyadoo ay jirto baqdin ah inay dagaallo ka dhacaan saacadaha soo socda, waxaana gabi ahaan xiray goobaha ganacsiga degmada.

Hiiraan Online, Baydhabo