4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
Col. Xumad oo Shaaciyay in ay billaabayaan Wajigii Labaad ee Howlgalkooda

Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in dhawaan billaabanayaan wajigii labaad ee howl-galka ka dhanka ah Al-shabaab, si ay uga saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Col. Xumad ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen qaybtii hore ee howl-gallda ayna haatan billaabayaan qeybtii labaad, si howlaha u haray ay u dhameystiraan.

“Meelaha nabad-diidka ku hareen qaybtii hore ayaa doonaynaa inaan hadda ka saarno, waana mid aan ku dhameystirayno howlgalkii hore, sida dhaqso badan ayaana u galaynaa howlgalka wajigiisa labaad,” ayuu afhayeenka ku yiri warbixin uu warbaahinta siinayay.

Sidoo kale, afhayeenka ka hadlayay howlgalkan saameynta uu ku yeelan karo cabashooyinka la xiriirta mushaar la’aanta haysata qaar ka mid ah ciidamada AMISOM sida kuwa Uganda ayaa sheegay inaanay arrintaas wax saameyn ah ku yeelan doonin howlgalladooda.

Ciidamada AMISOM ayaa dhaq-dhaqaaqyo kawada qaybo ka mid ah dalka oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab, iyagoo qorshahan uu yahay mid uu sheegay in ay doonayaan inay dhawaan ka billaabaan gobollada dalka.

Hadalka afhayeenka AMISOM ayaa kusoo beegmaya xilli madaxda dowladda ay sheegeen inay dhawaan billaaban doonaan howlgallo dalka oo dhan looga saarayo Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhowrkii sano ee u dambeeyay waxay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno badan oo dalka ah, iyadoo Al-shabaab ay weli gacanta ku hayso deegaanno kale oo badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya