4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
Xukuumadda oo go’aano kasoo saartay habka qaadista canshuuraha dowlada

Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — Kulan ay xalay isugu yimaadeen guddi uu madax u yahay ku xigeenka ra’iisul wasaaraha, Ridwaan Xirsi Maxamed ayna ka qaybgaleen xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somalia, maamulka gobolka Banaadir iyo rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa cabashooyinka ay dowladdu u soo gudbiyeen qaar ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha.

Wasiirka warfaafinta, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulankaas ku tilmaamay mid lagu falan qeeyay sidii iskaashi iyo wada-shaqeyn loogu qaadi lahaa canshuurta dowladda, iyadoo guddiga ay si hoose uga hadleen cabashooyinka tooska ah ee ay ganacsatadu ka qabaan canshuuraha ay ka qaaddo dowladda.

Kulanka ayaa laga soo saaray qodobbo ay isku af-garteen xubnihii ka qaybgalay iyo ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa qodobbadaas. In ganacsatada Soomaaliyeed ay u bixiyaan canshuurta dowladda sida uu qabo sharciga dalka. In wixii canshuur ah ay qaadi karaan oo keliyah hay’adaha u xilsaaran qaadista canshuurta, ciddii qaadda canshuur aysan ka warqabin hay’daha dowladdana laga qaado tallaabo sharci ah.

“Xukuumaddu waxay faraysaa dhammaan hay’adaha amniga inay sugaan nabad-galyada ganacstada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulanka.

Sidoo kale, waxaa lagu xusay warbixinta guddigu soo saareen in cabashada ganacsatada Soomaaliyeed ee la xiriira dakedda, koontaroollada iyo sidoo kale canshuurta loo xaliyo si ku dhisan is af-garad iyo wada-shaqeyn, dhanka xukuumadda iyo ganacsatada ah.

Qodobbadan ayaa waxay yimaadeen kaddib markii howlihii Suuqa weyn ee Bakaaraha shalay oo Axad ahayd la geliyay hakad, taasoo keentay in kulan deg-deg ah gaar ah ay guddiga iyo xubnaha dowladdu ka yeeshaan arrintan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya