4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
Suxufiyiin Cambaareeyay Fal uu Maamulka Somaliland kula Kacay Wariyeyaal


Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — Shir ay isugu yimaadeen suxufiyiinta ka howl-gala magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa maanta lagu canbaareeyay maamulka Somaliland tacadiyada ay ku hayaan wariyayaasha ka hawlgala magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Wariyeyaashan ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland inay sida ugu dhaqso badan ugu soo celiyaan suxufiyiinta kala ah; C/kariim C/llaahi Bile (Olol), Maxamed Shaqalle iyo C/raxmaan Cali Ducaale qalabkii ay ku shaqaysan jireen, waxayna xuseen in mudadii lasoo dhaafay aysan wax shaqo ah qaban suxufiyiintan.

Agaasimaha Idaacada Daljir faraceeda magaalada Buuhoodle, Khadar Cawl Ismaaciil oo ka hadlay shirka ayaa maamulka Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan xorriyadda hadalka iyo tan suxufiga, sida ugu dhaqsaha badanna ugu soo celiyaan wariyayaashan qalabkoodii.

Cali Cismaan Yuusuf (Cali Dhagjar) oo isaguna ka hadlay kulankan ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland inay si shuruud la'aan ah ugu soo celiyaan wariyaasha qalabkii howlgali jireen, wuxuuna falkan ku tilmaamay mid aad u fool xun.

Suxufiyiintii kasoo qayb-galay shirkan ayaa cambaareeyay falka ay Somaliland kula kacday wariyayaasha ka hawlgala Laascaanood; iyagoo hay'adaha u dooda xuquuqda saxafiyiinta iyo wakaalladihii ay u shaqeyn jireen wariyeyaashan ka codsaday inay fiiro gaar ah u yeeshaan dhibaatada lagu hayo suxufiyiinta, ayna ka kaalmeeyaan sidii ay u heli lahaayeen qalabkoodii.

Dhacdadan lagula kacay wariyeyaashan ayaan ahayn tii ugu horreysay oo ay maamulka Somaliland kula kacaan suxufiyiinta ka howlgala gobolka Sool oo ay qaybo ka mid ah uu ka taliyo maamulkan.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool