4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2014
Haweenka Gobollada Dhexe ee Minnesota oo Taageeray Maamulka la dhisayo


Isniin, Ogoosto 25, 2014 (HOL) — Haweenka qurba-joogta ah ee ka soo jeeda bartamaha Soomaaliya ayaa soo dhaweyay maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galguduud iyo dib u heshiisiinta beelaha wada daga degaankaas, kaddib shir ay iskugu yimaadeen oo ka dhacay Hotelka Ramada ee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey)  oo ka mid ah dumarka siyaasiyiinta ah oo la hadashay haweenkii shirkaas ka soo qeybgalay ayaa ugu baaqday  qurbo-joogta inay gacan ku siiyaan sidii gobolada dhex loogu sameyn lahaa maamul dadka deeganka u horseeda nabad iyo horumar.

"Dumarku waxay door muhiim ah ka ciyaari karaan horumarka,  nabadda, waxbarashada, kobcinta dhaqaalaha  iyo guud adeegyada bulshada" ayay  Xaliimo Yarey ku waanisay ka soo qeybgalayaashii kulankan.

Raaxo Ugaas oo ka mid aheyd qaban qaabiyaashii shirkaas  ayaa sheegtay in ujeedada ugu weyn ee kulankoodu uu yahay sidii ay ku taageri lahaayeen maamul u sameynta gobolada dhexe iyo dowladda Soomaaliya.

"Waxaan si hagar la'aan ah u taageereynaa horumarka maamul u sameynta iyo nabadeynta gobolada dhexe, waana muhiim inaan ka qeyb qaadanno nolosha iyo wanaagga ka soo iftiimaya gobolada dhexe" ayay tiri Raaxo Ugaas oo sheegtay inay qaban doonaan kulamo kale oo ballaaran  oo la xiriira dhiiro galinta iyo nabadeynta Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale shirkan ka hadlay Ugaas Yuusuf oo sheegay inay haweenku yihiin awoodda dhabta ah ee bulshada, isla markaana laga rabo inay talo iyo tusaale ka dhiibtaan sidii barwaaqo loo gaarsiin lahaa gobolada dhexe.

Sidoo kale waxaa iyaguna ka soo ka soo qeybgaleyaashii kulankaas la hadlay Cabdi Xaashi, Ugaas Shuuke C/kariin Xasan, C/qaadir Xaashi Dalmar  iyo Fartuun Weli.

Dhawaan ayay aheyd markii ay dowladda Fedeeralka Soomaaliya ku dhawaaqaday in maamul goboleed  loo dhanyahay laga dhisi doono gobolada Mudug iyo Galguduud, iyadoo ay heshiiskaas saxiixeen  Ximan iyo Xeeb, Ahlusuna, Galmudug,  beesha caamalka iyo dowladda Soomaaliya.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota