4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 24, 2014
Hay’adaha CRD iyo EISA oo Maanta tababar ka furay Beledweyne (SAWIRRO)


Axad, Ogoosto 24, 2014 (HOL) — Tababar ay iska kaashadeen hay’adaha CRD iyo EISA oo ay ka qeyb-galleen dad laga soo xullay bulshada rayidka ah ayaa maanta ka furmay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Tababar oo socon doona mudo labo cisho ah ayaa furitaankiisa waxaa ka qeyb-gallay mas’uuliyiinta maamulka  degmada, xildhibaanno ka socda dowladda federaalka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale.

Madaxa hay’adda CRD ee gobolka Hiiraan Xassan Cismaan Xuuriye oo la hadllay HOL ayaa sheegay in tababarkan noqonayo mid u faa’ideynaya hay’addaha aan dowliga aheyn gaar ahaan bulshada rayidka, isaga oo intaa ku darray mudada labada cisho ah ee uu socdo lagu baran doono saddex qodob oo aad muhiim u ah.

“Tababarkan ma’aha kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo aan Beledweyne ku qabano, ujeedada laga leeyahayna kaliya waa in sare loo qaado aqoonta hay’addaha aan dowliga aheyn u leeyihiin saddexda qodob ee kala ah Codsiga maal-galinta, Kormeerka iyo qiimeynta, iyo maamulka lacagta, si loo helo bulsho dhisan oo marka danbe u faa’ideyn karta inta aan fursada u helin in ay tababarka noocan oo kale ah qaataan,'' ayuu yiri Xassan Cismaan Xuuriye Xasan Cismaan Xuuriye ayaa ugu baaqay ka qeyb-gallayaasha in ay ka faa’ideystaan mudada uu tababarka socdo waxyaabaha lagu baranayo.

Mas’uuliyiintii maamula heer degmo iyo xildhibaannadii ka qeyb-gallay furintaanka tababarka ayaa ku amaanay labada hay’adood tababarka ay u qabanayaan bulshada iyaga oo sheegay in qodobada lagu baranayo yihiin kuwo mhiim ah oo marka danbe u sahli karta in ay wax badan kala socdaan wacyiga iyo marxalada markaa taagan.

Maalinta bari ah ayaa lagu wadda in la soo gabagabeeyo waxaana ka qeyb-gallayaasha sheegeen in ay siweyn ugu baahnaayeen tababarada noocan oo kale ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya